Amb Daahir Geelle” Fatahaadda Baladweyne Maxaa dowladdii helay?

by admin | Sunday, May 17, 2020 | 558 views

Amb, Daahir Maxamuud Geelle Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ahna musharax Madaxweyne ayaa ka hadlay xaaladaaha fatahaadaha ka jira Magaalada Beledlweyne iyo doorkii dowladda Soomaaliya looga baahnaa inay ka qaadato oo ay ka gaabisay.

Amb, Daahir Geelle oo qoraal dheer oo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxaa uu ku sheegay in dowladda Soomaaliya aysan xilweyn iska saarin ka hortagga fataahadaha maareyntooda iyo caawinta dadka ku waxyeeloobay.

Sidoo kale qoraalka waxaa uu ku sheegay in lacagihii sanadkii hore Caalamka ugu deeqay dadka Reer Beledweyne lagu shubay account gaar ah oo aan ahayn Banigaga dhexe.
Hoos Ka Akhriso Qoraalka Amb, Daahir Maxamuud Geelle.

Baladweyne iyo deegaanno badan oo Hirshabelle ka tirsan waxaa sanadkii labaad ka jira fatahaado iyo daadad roobabku keeneen oo khasaare geystay.

Sanadkii hore markii sidan oo kale dhibtu u dhacday waxay dadka Soomaaliyeed, dalal walaalo ah iyo duniduba ku deeqeen dhaqaale loogu talo galay in loogu gurmado dadka Beledweyne.

Dowladdu xilweyn iskama saarin ka hortagga fatahaadaha, sidoo kalena xoog badan kuma bixin maareyntooda iyo caawinta dadkii ku wax yeelloobay, taas baddelkeedana waxay ku fashilantay in ay bixiso dhaqaalihii dunidu ku deeqday si loogu caawiyo dadkii waxyeelladu gaartay.

Waxaa xusid mudan in lacagihii caalamku ku deeqay lagu shubay account gaar ah oo aan ahayn Banigaga dhexe.

Isweyndiintu waxay tahay:

Maxaa keenay in dhaqaalahaas lagu shubo koonto gaar ah, halkii lagu shubi lahaa bankiga dhexe?

Aaway wasaaraddii maaliyadda iyo hay’adaha kale ee maaliyadda iyo isla xisaabtanka qaabilsanaa? Maxay u hubin waayeen in lacagtaas lagu shubo bangiga dhexe?

Golaha Wasiirradu waa kuwa hoggaamiyaha howlaha fulineed ee dalka oo dhan. Maxay u hubin waayeen in dhaqaalahaas la gaarsiiyay oo lagu gargaaray dadkii loogu talo galay?
Waxaa jira xildhibaanno Hirshabelle ku matala goleyaasha sharci dejinta oo ah kuwa u xil saaran la xisaabtanka xukuumadda. Iyagana maxaa helay?

Intaas marka laga soo tago Hirshabelle waxay leedahay madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen. Maxay u sugeen sanad dhan oo ay xukuumadda cadaadis ugu saari waayeen in ay bixiso dhaqaalihii loogu deeqay caawinta dadka ay matalaan? Xishoodkaas xad-dhaafka ahi xaggee ka yimid?

Waxaa muuqaneysa in dowladdu ay isku koobtay wax walba, oo aysan diyaar u ahayn in ay matalayaasha deegaannada iyo madaxdooda ku tixgelineyn mas’uuliyaadka ay u diran yihiin iyo dadka ay matalaan?

Waxaa kaloo muuqata in ay dowladdu la kaliyowday wax kasta oo ay xitaa ku jiraan qeybinta maro kaneecooyinka, taas oo tusaale ka bixineysa in aysan diyaar u ahayn maamul daadejin.

Dowladdu haddii ay ku guul darreysatay in ay si hufan u maareyso dhowr milyan oo dunidu ugu deeqday dad ay daadad iyo aafooyin dabiici ahi halakeeyeen, Ma lagu aamini karaa in ay si furan iyo hannaan dimoqraadi ah u maareyso doorashada ay muddada yari ka dhiman tahay ee la doonayo in ay dalka ka dhacdo?

Like it? Share it!

Leave A Response