Amiirka DAACISH oo lagu qabtay dal aan laga fileyn

by admin | Friday, May 27, 2022 | 432 views

Tukrey ayaa ku dhowaaqday qabashada hoggaamiyaha kooxda Daacish kadib howlgal ka dhacay magaalada Istanbul, waxaa sidaas sheegay saraakiil sare oo ka tirsan dowladda.
Saraakiisha ayaa u sheegay warbaahinta Bloomberg in xubno ka tirsan sirdoonka iyo ciidanka ka hortagga argagixisada ay Abu Hasan al-Hashemi al-Qurashi ku qabteen magaalada Istanbul, ayaga oo aan bixin faah-faahin intaas dheer.
Qurashi, oo magaciisa rasmiga ah uu yahay Juma Awad al-Badri, ayaa hoggaaminayey kooxdan mintidka ah, tan iyo markii hoggaamiyihii hore, Abu Ibrahim al-Qurashi lagu dilay howlgal ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen Syria bishii Febraayo.
Sida laga soo xigtay saraakiil amni oo Ciraaqiyiin ah, Badri waa walaalka hoggaamiyihii koowaad ee Daacish Abu Bakr al-Baghdadi, kaasi oo “khilaafada” kooxdan kaga dhowaaqay magaalada Mosul 2014-kii.

Website-ka Turkish-ka ee wararka ee OdaTV ayaa kasoo xigtay saraakiisha in hoggaamiyaha Daacish la qabtay kadib muddo ay sirdoonka Turkey isha ku hayeen guri uu deganaa.
Booliska ayaa sidoo kale lagu warramay inaysan wax xabad ah ridin intii uu socday howlgalka, oo website-ka uu sheegay in lagu fuliyey hab aad qarsoodi u ah.

Like it? Share it!

Leave A Response