Amiirka Qatar oo aan ka qeybgalin Shirka Madaxda Jaamacada Carabta ee Sucuudiga

by admin | Sunday, Apr 15, 2018 | 1067 views

Shir Madaxeedkii 29-aad ee Dalalka Carabta oo ay ka qeybgalayaan Hogaamiyayaasha  Carabta aayaa maanta si rasmi ah uga furman Magaalada Al Dahraan ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Shirkan ayaa waxaan ka qeybgalin Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani sababo la xiriirka Khilaafka udhexeeya Dalalka Khaliijka darteed, Dowladda Masar, Sucudiga, Imaaraatka iyo Baxreyn ayaa Sanadkii hore ee 2017 Waxa ay xiriirkii ujareen Dowladda yare e Qatar, Waxeyna ku  eedeeyeen iney taageerto Argagixisada.
Ugu Horeyn, waxaa Shirka maanta furay Boqorka Dalka Jordan, Isagoona ka waramay waxyaabaha uqabsoomay Sanadkii uu soo hogaaminayay Ururka Jamaacada Carabta oo ay xubin ka yihiin 22 dal, Waxaase Shirka Joogay 19 Wadan oo Klaiya.
Boqor Cabdalaha Labaad ee Jordan ayaa intaasi kadib xilkla Hogaanka Jaamacada Carabta waxa uu ku wareejiyay Boqorka dalka Sucuudiga Boqor Salmaan Binu C/ Casiis kaasoo noqonaya Ninka Hogaanka Sanadan heynaya.
Boqor Salmaan ayaa Shirka uga dhawaaqay inaan la a qbali Karin Xadgudubka Mareykanka ee Qudus ugu aqoonsaday Caasimada Isra’il iyo Talaabada uu ku soo rarayo Safaaradooda Isra’il, Boqor Salmaan ayaa shirka uga dhawaaqay in $150 Milyan  oo lagu difaacayo Magaalada Barakeysan ee Qudus.

Waxaa Jira Warar sheegaya in Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani uu isaga baaqday Shirka maadaama aanu helin warqada Casuumaada ee look ala dirayay Madaxda Jaamacada Carabta.
Wafdiga Qatar u matalaya shirkaas waxaa hoggaaminaya Wakiilka joogtada ee Qatar u fadhiya Jaamacadda Carabta Saif bin Muqaddam al Buainain.
Adel Al Jubeir, Wasiirka arimaha dibeda ee Sucuudiga ayaa horay usheegay in Khilaafka Khaliijka aaney saameyneynin Shirka, Isagoona tilmaamay in Ajendaha Shirka aysan ku jirin ka hadlida Xiisada oo circa sii galeysa.
Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa haatan ku sugan Magaalada Doxa ee Caasimada Qatar, Isagoona dhawaan uun ka soo laabtay Magaalada Washington ee dalka Mareykanka halkaas oo uu kula soo kulmay Madaxweynaha Mareykanka Trump.

Like it? Share it!

Leave A Response