Amiirka Qatar oo kulansiiyay Madaxweynayaasha Masar, Turkiga, Imaaraatka, Dhaxalsugaha Sacuudiga, Jordan & Madax kale.

by admin | Monday, Nov 21, 2022 | 325 views

Magaalada Dooxa Caasimadda Dalka Qatar oo Fiidkii Axadda 20ka November 2022 laga daah-furay Koobka Adduunka oo dhanka kale fursad u ahayd in ay isku arkaan Madax kala duwan oo lagu martiqaaday.

Amiirka Qatar ayaa kulansiiyay Madaxweynayaasha Turkiga Recep Tayyip Erdogan & Masar Cabdifitaax Al-Sisi, sidaas oo kale waxaa is arkay Erdogan, Dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, Boqorka Jordan & Madaxweynaha Isutagga Imaaraatka Carabta.

Dhammaan waxa ay bogaadiyeen dedaalka Dowladda Qatar ay gelisay diyaarinta martigelinta Koobka Adduunka 2022 maadaama waddankaan uu noqday dalkii ugu horreeyay ee Carab ah oo martigeliya Koobkaan.

Madaxda oo si kooban isugu aragtay Guriga Martida loogu talagalay & qaybta marti sharafta ay ka leeyihiin Garoonka lagu daah-furay Koobka Adduunka 2022 ee Al Bayt Stadium ayaa iska xog-wareysatay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya.

Mas’uuliyiintaan ayaa mid mid ula kulmay Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad sida ay ku warrameen qaar kamid ah Warbaahinta Gudaha oo soo xigatay ilo kala duwan oo ku dhaw kulamadaas.

Qatar oo mar ay go’doomiyeen waddamo ay kamid yihiin Boqortooyada Sacuudiga, Jamhuuriyadda Carabta Masar & Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa si tartiib-tartiib ah dib ugu soo celisay xiriirka ay la wadaagto Dalalkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response