AMISOM oo dad beeralay ah ku dishay Shabeelaha Dhexe

by admin | Thursday, Oct 24, 2019 | 747 views

Kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa maanta qarax miino waxaa lagula eegtay degaanka Buurane oo ka tirsan degmada Mahaday ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel beero ay ku yaallaan, islamarkaana ay joogeen dad Shacab ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qarax miino ee loo dhigay ciidanka AMISOM uu haleelay mid ka mid ah gawaarida  ay wateen.

Ciidanka AMISOM ayaa inta aan lala beegsan Qaraxa waxa ay qarxiyeen Qarax Miino oo la dhigay isla goobta sidda ay sheegen dadka degaanka.

Ciidanka AMISOM ayaa furay rasaas, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in rasaataasi ay ku dhinteen laba qof oo beeraley ah.

Like it? Share it!

Leave A Response