AMISOM oo dalbatay taageero dheeraad ah

by admin | Friday, Dec 7, 2018 | 781 views

Taliyeyaasha Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa dalbaday taagero dheeraad ah oo ku aadan dhanka qalabka iyo maaliyadda si ay u dardargeliyaan shaqooyinka ay ka waddaan Soomaaliya, islamarkaana ay u fududeeyaan qorshaha ka bixitaanka AMISOM.

Taliyeyaasha Booliska AMISOM ayaa Midowga Afrika ka codsaday in helaan qalab dheeri oo ay ku tababaraan ciidanka Booliska Soomaaliyeed si ay ugu wareejiyaan Ammaanka Soomaaliya marka uu xilligooda dhamaado.

War kasoo baxay kulan ka dhacay Magaalada Addis Ababa ayaa lagu sheegay in Ciidanka Booliska AMISOM ay xoojin doonaan qorshahooda ka bixitaanka Soomaaliya.

“Waxaan dooneynaa in la dardargeliyo  hirgelinta hawlihii loo xilsaaray AMISOM, waxaana ay taasi  u baahan tahay ilo dhaqaalle iyo qalab lagama maarmaan u ah si loo xaqiijiyo kala-guurka waqtigii ku habboonaa iyo guusha,” ayaa lagu sheegay warka kasoo baxay AMISOM.

Dhammaan taliyeyaasha Ciidanka Joogga Soomaaliya ee dalalka  Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda iyo Zambia ayaa qiray in ay muhiim tahay in la xoojiyo tababaradda Ciidanka dowlada, hadii kale aysan suurtagal aheyn in AMISOM ka baxdo Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response