AMISOM oo ka wallaacsan Ammaanka Xarunta Xalane & Qaraxyo laga cabsi qabo iney dhacaan

by admin | Sunday, Apr 22, 2018 | 902 views

Shir ka dhacay xarunta Taliska AMISOM ee Xalane ayaa looga hadlay qatarta Al-Shabaab iyo weerarada ay ka geysanayaan magaalooyin ay ka mid tahay Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
AMISOM ayaa sheegtay iney wallaac ka muujineyso Alladaha waxyaabaha qarxa ee Al-Shabaab ay adeegsadaan iyo iney jiri karaan waxyaabo si casriyesan loogu adeegsado Qaraxa.
Sidoo kale,AMISOM ayaa qirtay in ammaanka xarunta Xalane uusan ahayn mid la isku haleyn karo,islamarkaana ay suurta gal tahay in markasta Al-Shabaab weerar ku soo qaadaan.
Kooxda Al-Shabaab ayaa horay weerar halis ah ugu qaaday xarunta Xalane oo ku dhow Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho,kaasi oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Richard Maundrell, oo ah Abaanduulaha Ciidamada Ingiriiska ee ku sugan Soomaaliya oo ka mid ahaa dadkii ka qeybgalay shirk aka dhacay Xalane ayaa isna ku baaqay in isku xir iyo wadashaqeyn hufan uu dhexmarto maamulada iyo hay’adaha amniga  si looga hortago weerarada qaraxyada ee kaga imaanaya Maleeshiyada Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response