AMISOM oo lagu Amray howlgal deg deg ah

by admin | Sunday, Aug 12, 2018 | 981 views

Taliyaha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Lt. Gen. Jim Owoyesigire, ayaa amar ku bixiyay dhammaan ciidammada ku sugan Soomaaliya ee AMISOM  in ay si joogta ah u fuliyaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, islamarkaana ay la shaqeeyaan Ciidamada Qaranka Soomaaliya ee Al-Shabaab dagaalka kula jira.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada dowladda kaligood ay Shabaab beegsaddaan ,halka AMISOM ay dhankeeda ay si gaar ah Al-Shabaab ula dagaalanto, taasina ay wiiqeyso awooda Ciidamada oo loo baahan yahay in ay si wadajir ah u wadda howlgallaan.

Taliyaha Ciidamada AMISOM, waxaa uu sheegay in ay waajib tahay  in sare loo qaado tababaradda Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si loo dhaqangeliyo qorshaha kala guurka.

Owoyesigire, oo ah taliyihii hore ee ciidamada UPDF, ayaa Khudbad u jeedinaayay qaybta ciidamada AMISOM ee Johwar.

Madaxa AMISOM Waxaa uu sidoo kale  sheegay in ay bilaabeen qiimeynta amniga ee dhammaan xarumaha weyn ee Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Soomaaliya, sidoo kale AMISOM ay xilweyn iska saari doonto xaqiijinta Ammaanka Wadada xiriisa Muqdisho iyo Jowhar.

Taliyaha Ciidamada AMISOM ayaa ku baaqay howlgallo deg deg ah oo laga bilaabo meelaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response