Ammaanka B/weyne Oo La Adkeeyey

by admin | Wednesday, Oct 17, 2018 | 879 views

Ciidamada Booliiska ee magaalada B/weyne ayaa adkeeyey amniga guud ee magaaladaasi.

Wararka ayaa waxaysheegayaan in ciidamadan ay xalay illaa iyo saakay ay magaaladan ka sameeyeen howlgallo ballaaran oo aammaanka lagu xaqiijinayo.

Lama sheegin howlgalladan in dad lagu soo qabtay iyo in kale, hase ahaatee ciidamada ayaa baaritaan ka sameeyey xaafadaha ay kooban tahay magaaladaasi.

Dhowaan, guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ku amray ciidamada ammaanka gobolkaasi iney xaqiijiyaan ammaanka deegaannada gobolkaasi gaar ahaan B/weyne.

Like it? Share it!

Leave A Response