Ammanka Magaalada Baladweyne oo lagu wareejiyay Ciidamo gaar u ah, iyo Ciidamada Tuutaha iyo dharka shacabka qaata oo Magaalada laga mamnuucay…..

by admin | Tuesday, Jul 17, 2018 | 1063 views

Ciidamo isku dhaf ah oo loogu talo galay ay sugaan amniga magaalada Baladweyne ayaa maanta lagu soo bandhigay xarunta gaaska shanaad ee lama galay.Munaasabadda lagu soo bandhigayay ciidamadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa maamulka heer gobol iyo heer degma ee gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada dowladda, sida milatariga, booliska iyo nabad sugidda.

Guddoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Cismaan Cabdi Qalaafow oo hadal kooban ka jeediyay goobta ciidamada lagu soo bandhigaayay ayaa sheegay in ciidamada ay ka rajeyneynaan inay wax badan ka qabtaan ammaanka magaalada Baladweyne.

Taliyaha ciidamada booliska ee gobolka Hiiraan Col. Isaaq Cali Cabdulle ayaa dhankiisa tilmaamay in ciidamada hadafka loo aas aasay ay tahay sidii ay u sugi lahayeen ammaanka magaalada Baladweyne asaga oo faray shabka ku dhaqan magaalada Baladweyne in gacan ku siiyaan howlaha lagu sugaayo ammaanka.

“Ciidamadan waxay ka  kooban yihiin nabad sugid, boolis iyo milatari, waxaa loo xil saaray inay sugaan ammaanka Baladweyne, shacabka waxaa looga baahan yahay inay la shaqeeyaan ciidamada” ayuu yiri taliyaha ciidamada booliska gobolka Hiiraan Col Isaaq Cali Cabdulle.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan Col Faarax Cali  Waasuge, ayaa ciidamadan isku dhafka kula dardaarmay inay kasbadan kalsoonida shacabka si ay ugala shaqeeyaan amniga.

“Waxaa la idiin ka baahan yahay inaad shacabka kalsooni ku abuurtan, maahan inaad qori ku taagto  oo cabsi galiso shacabka, hadii shacabka aad soo dhaweysataan waxay kaalin idin kala qaadan karaan sugidda amniga Baladweyne” ayuu yiri taliyaha milatariga ee gobolka Hiiraan Col Faarax Cali Waasuge.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdulahi Axmed Maalin ayaa sheegay in qorshaha laga leeyahay ciidamadan ay tahay in laga hortago wax kasta oo dhibaato ku ah shacabka Baladweyne.

“Ciidamada waxaa loo aas saasay afar ujeedo oo kala ah sugidda amniga, la dagaalkan kooxda burcadka ee dhibatada ku haya shacabka , inay gacanta ku soo dhigaan qof kasta oo dambi gala iyo in ay wax ka qabtaan maandooriyaha maadaam marka magaalo ay weynaato wax kasta oo maandooriya ah ay soo galaan.Dambiilayaasha waxaa la marsiin doonaa sharciga, ciidamada markay soo qabtan, waxaa la geyn doonaan xabsiga kadib waxaa loo gudbin doonaa maxkamadda, markii xukun lagu ridana waxaa la geyn doonaa xabsiga intaas oo dhan waa noo diyaar, waxeyna ka turjumeysa in maanta aan helnay dowladnimadii aan ku soo hamin jirnay muddo dheer”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdulahi Axmed Maalin.

 

W/D:  Bashiir  cabdulahi cismaan

baladweyne.soomaaliya

Like it? Share it!

Leave A Response