Arday Soomaaliyeed ee wax ka barata Bangaladhesh oo la waayay

by admin | Sunday, Mar 25, 2018 | 1105 views

Lix arday oo soomaali ah oo dhiganayay Jaamacad gaar loo leeyahay oo ku taalla Magaaladda Dhaka ayaa maqan muddo ka badan Sanad.
Jaamacaddii ay dhiganayeen ayaa Magacyada Ardayda Maqan ka Diiwaan galisay Xarun Booliis 24 kii July 2017 kii, hase ahaatee Booliisku maysan Helin Ardayda lawaayay, waxaana dhacay Fisihii ay Dalka ku joogeen.
Ardayda oo Todobo ahaa ayaa iska Diiwaan galiyay Jaamacadda Ganacsiga, Cilmiga Beeraha iyo Tignoolojiyadda ee Magaalada Dhaka waxayna iska diiwaan galiyeen intii u dhexeeysay September iyo October 2016 kii, Sedex Bilood ka dibna waa Lawaayay sida uu Wariyay Website magaciisu yahay banglatribune.com.
Magacyadda Ardayda Maqan ayaa lagu sheegay Saciid Hasan Bure, Cabdi Raxman Cabdullahi Xasan, MaXamed Abukar Dahir, Cali Salad, Shakir Cumar Shiikh  Cabdul Qadir, Cabdi Raxman Cabdullahi Xasan iyo Siraji Maxamed Cali.
Mid ka mid ah Ardayda oo magaciisu yahay Siraaji Maxamed Cali waa lasoo helay wuxuunna hadda dhiganayaa Jaamacad ku taalla Uttara. Lixda kalena waa ay maqan yihiin.
Sargaalkii Booliiska u qabilsanaa Baaritaanka Ragaan oo Mohamadul Hasan ayaa sheegay “kiiska Hadda baaritaan ayuu ku jiraa”.
Baasa Booraddii ay lahaayeen Ardayda Maqan waxaa Gacanta ku haaya Masuuliyiinta Jaamacaddi ay dhiganayeen.
Booliiskuna wuxuu sheegay in ay Qaadayaan Baasabooradda oo ay ku Wareejinayaan Heey’adda Socdaalka si baaaritaana loo xoojiyo.
Dhalinyada Soomaaaliyeed ee Qurbaha Wax barashadda u aada Qaarkood waa ay sii Tahriibaan, si ay ugaaraan wadammo kale oo Qaaradda Europe iyo America ka ah.

Like it? Share it!

Leave A Response