Argentina Oo Go’aan Qariib Ah Ka Gaartay Maaliyada No.10 Ee Lionel Messi Inkastoo Xiddiga Barcelona Uu Ka Maqan Yahay Xulka

by admin | Wednesday, Sep 12, 2018 | 931 views

Argentina waxa ay heystaan qaar ka mid ah weeraryahanada ugu fiican caalamka sida Paulo Dybala, Angel di Maria, Sergio Aguero, Mauro Icardi iyo Gonzalo Higuain.

Laakiin sidaasi oo ay tahay waxa ay ku tiirsan yihiin Lionel Messi oo fasax ka qaatay xulka lana ogeyn xilliga uu ku soo laabanayo tan uyo markii uu ku soo niyadjabay Koobkii Adduunka ee sannadkan lagu qabtay Russia.

Argentina waxaa ka maqnaa xiddigooda kulamadii ugu danbeysay ee saaxiibtinimo ee ay la ciyaareen Guatemala iyo Colombia, waxaana ay go’aansadeen inuusan ciyaaryahan kale xiranin maaliyada Messi ee No.10

Sida uu sheegay tababare Scaloni, cidna ma xiran doonto maaliyada Messi ilaa iyo go’aan kama danbeys ah uu ka gaarayo mustaqbalkiisa xulka taasoo noqon kara 2019.

Ma cadda xitaa haddii uu 31 jirkaan ciyaari doono Copa America oo sannadka danbe la qabanayo, sidaasi darteed lama arki doono xilli dhow ciyaaryahan Argentina ah oo xiran maaliyada No.10

“Inta badan ciyaartoyda aaday Koobka Adduunka waxa ay ceshteen lambaradooda” ayuu yiri tababare Scaloni. “Maaliyada Argentina ee No.10 waxaa iska leh Messi ilaa iyo inta uu ka sheegayo inuu ka fariistay xulka.

“Wax jawaab ah kama heyno isaga. Waxaan go’aansaday inaysan cidna xiran maaliyadiisa.

“Mustaqbalka waan arki doonaa waxa dhaca. Balse haatan cidna ma xiran doonto No.10 sababtoo ah isaga ayay u gaartay, aniga ayaana gaaray go’aankaas.”

Like it? Share it!

Leave A Response