Askar ka tirsan Ciidamada Kenya oo qarax lagu dilay

by admin | Sunday, Oct 13, 2019 | 578 views

In ka badan 10 Askari oo Kenyan ah ayaa lagu dilay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib qarax lagula eegtay deegaan duleedka ka ah Magalada gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa lagula eegtay Kolonyo kamid ah Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kenya ee Koofi Casta,xilli ay marayeen deegaanka Cabdi Sugeey kana soo baxeen deegaanka Xaar xaar oo ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Taliyaha Ciidamada Millateriga Kenya ayaa xaqiijiyey qaarxa lagu dilay askarta ka tirsan Ciidamada dalkaas laguna dilay,hayeeshee ma bixin faah faahin intaasi ka dheer.

Ciidamada qaraxa Miino lala eegtay ayaa kamid ah kuwa sida aadka ah u ilaaliya xadka Kenya ay la leedahay Soomaaliya,waxaana xilliga la qarxinayey ay wadeen howlgallo amniga lagu xaqiijinayey.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxaas,iyaga oo sheegay inay ku dileen 10 askari oo ka tirsan Ciidamada kenya xilli ay ku socdaalayeen deegaano ku dhow Magalada Gaarisa.

Wararkii ugu dambeeyey ee Maanta aan ka heleyno deegaankii uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya ay wadaan dhaq dhaqaqyo Ciidan,isla markaana Gaadiidkii ka shaqeynayey deegaano ka tirsan Magaalada gaarisa uu hakad ku jiro.

Like it? Share it!

Leave A Response