Askar ku dhaawacantay qarax ka dhacay magaalada Jowhar

by admin | Saturday, Dec 22, 2018 | 895 views

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in ugu yaraan toddobo askari ayku dhaawacmeen qarax ka dhacay bar koontarool ee duleedka Waqooyi magaalada Jowhar.

Askarta ayaa waxaa soo gaaray sida la sheegaya dhaawacyo fudfudud iyadoo la dhigey isbitaalka magaalada Jowhar halkaa oo lagu daweynayo.

Barta kontarool ee qaraxu uu ka dhacay ayaa ujirta 2km magaalada Jowhar iyadoo qaraxana uu ahaa mid lagu sii aasay halka uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxyada ka dhaca goobaha ay ciidamadu fariisimada ku leeyihiin ee afaafka hore ee magaalada Jowhar ayaa soo badanaya iyadoo muddo sanad ah ay saddex jeer qaraxyo ka dhaceen duleedka magaalada Jowhar.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa wanaagsan inkastoo wadooyinka soo gala magaalada ay yihiin kuwo ay ka dhacaan qaraxyo iyo weeraro ay ka fuliyaan dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarkii ugu dambeeyay ayaa habeen hore waxaa ay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen gaadiid ku soo jeeday magaalada Jowhar waxaana la sheegay in ay gubeen labo baabuuroo ah nooca xamuulka qaada.

Gaadiidka la gubay ayaa la sheegay inay u soo wadeen magaalada Jowhar qalabka dhismaha.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa ku soo kordhaya  dhismooyinka daaraha ah iyadoo sidoo  kale dhowaan la bilaabay dhismaha Xarunta Madaxtooyada iyo Xarunta Baarlamaanka Maamul goboleedka Hirshabelle.

Like it? Share it!

Leave A Response