Askar ku geeriyootay qaraxyo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

by admin | Sunday, Apr 21, 2019 | 824 views

Waxaa faah faahino dheeraad ah ay kasoo baxayaan qaraxyo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaas oo Gaadiid ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya lagula eegtay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose.

Qaraxa koobaad oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya waxaa lagula eegtay deegaanka sabiid ee isla Gobolka Shabeellaha Hoose, xilli ciidamadu ay wadeen dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo howlgallo ay ku baadi goobayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxaas ay ku geeriyoodeen ilaa 6 askari tiro kalen ay ku dhaawacmeen,waxaana askarta geeriyootay ku jiray sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Millateriga,waxaana la sheegay in qaraxa uu qabsaday Gaari nooca dagaalka ah oo ay ciidamadu wateen.

Dhinaca kale qarax  miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay Gaari nooca booyada ah kaas oo la sheegay in uu shidaal u siday Ciidamada Bangaraafta ee Mareykanka uu tababaray,kuwaas oo ku sugan Saldhiga ay lu leeyihiin Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle ee gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Ilo- Wareedyo ayaa xaqiijiyey in qaraxaas ay ku geeriyoodeen 2  askari tiro kalena ay ku dhaawacmeen,sidoo kalena burbur xoogan uu gaaray gaariga booyada ahaa ee qaraxa lala eegtay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxyada ka kala dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo sheegay inay ku dileen askar ka tirsaneyd Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response