Askari Maraykanka ah oo hooyadiis kula talisay inuusan tegin Soomaaliya oo lagu diley Kenya

by admin | Monday, Jan 6, 2020 | 666 views

Hooyada dhashay askari Maraykan ah oo ku dhintey weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen saldhig milatari oo ku yaal  dalka Kenya ayaa kula talisay wiilkeeda inuusan tegin Soomaaliya iyadoo uga baqeysay in uu ku dhinto.

Henry Mayfield Jr oo 23 jir ah kana soo jeedo  Chicago ayaa ka mid noqday saddex Maraykan ah oo lagu diley weerarkii aroor hore ee Axadii lagu qaaday saldhigga ciidamada cirka ee gobolka  Lamu.

“Waa uu jeclaa qoyskiisa waxaana uu la qaatay waqtiyo waqtiyo wanaagsan  qoyska,”ayay tiri hooyada dhashay Mayfield oo magaceeda lagu sheegay,iyadoo la hadlaysay  Carmoneta NBC 5 Sunday evening.

“Markii iigu dambeysay ee aan la hadlay wiilkeyga waxa ay ahayd maalintii ugu horeysay ee sanadkan cusub.”ayay sii raacisay.

Hooyadan ayaa sheegtay inay wiilkeeda kula  talisay inuusan tegin Soomaaliya,balse  u sheegay in halka uu joogo ay tahay meel ammaan ah. Mayfield ayaa ku biirey ciidanka bishii June 2018 sida uu baahiyay wargeyska NBC 5.

Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga Manda Bay ee Lamu ayaa waxaa kale oo ku dhintey labo muwaadin oo u dhashay dalka Maraykanka kuwaasoo qandaraaslayaal ahaa ayaan illaa iyo hadda la shaacin magacyadooda.

Ciidamo tiradooda lagu sheegay illaa labo boqol oo Maraykan ah ayaa ku sugan dalka Kenya halka boqol kale oo aan askar ahayna joogaan.

Weerarkan ayaa lagu burburiyay shan diyaaradaha dagaalka Maraykanka halka mid kalena waxyeelo ay ka soo gaartay,iyadoo  sidoo kalana lix diyaaradood oo  ay shaqaalaha rayidka ah adeegsanayeen ay waxyeelo ka soo gaartay.

Like it? Share it!

Leave A Response