Askarigii dilay Taliyihii Ilalaada Garoonka Boosaaso oo toogasho lagu fuliyay{sawiro}

by admin | Thursday, May 28, 2020 | 549 views

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta xukun dil toogahs ah waxaa ay ku fulisay askari horay u dilay Taliyihii Ilalaada Garoonka Diyaaradaha Boosaaso Marxuum Xasan Shire Ammaan.

Askariga dilka toogasho lagu fuliyay oo lagu Magacaabo Axmed Aadan Maxamed Gaagaale ayaa 7 bishii December Sanadkii 2015kii waxaa uu diley Taliyihii Ilalaada Garoonka Diyaaradaha Boosaaso,waxaana Maanta lagu toogtay fagaaro ku yaalla Magaalada Boosaaso,iyada oo uu dilka fuliyay Wiil uu dhalay taliyaha.

Fagaaraha toogashada ka dhacday ayaa waxaa ku sugnaa Qoyska Taliye Xasan Shir Amaan Guddoomiyaha maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland iyo Mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa Go’aamisay in diyo ahaan loo siiso askariga dilka maanta lagu fuliyay 67 neef oo geel ah oo ah dhaawacyo soo gaaray markii la soo qabanayay.

 

Like it? Share it!

Leave A Response