Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo madaxweyne ku xigeenka Mudane Cali Daahir Ciid ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Caasimadda Dhuusamareeeb kusoo dhaweeyay madaxweynaha Hirshabeelle mudane Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe. Madaxweyne Guudlaawe ayaa caasimadda Dowladda Galmudug usoo gaaray si uu uga qayb galo shirka Madasha Wadatashiga...

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo uu ka furmo shirka golaha wadatashiga qaranka ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Qaban-qabadii ugu dambeysay ee shirka ayaa haatan ka socda Dhuusamareeb, ayada oo si weyn loo adkeeyay ammaanka magaaladaasi. Caasimada Galmudug sidoo kale waxaa haatan...

Xaaladda gobolka Sool ayaa maanta deggen, kaddib makii shalay halkaasi ay ka dhaceen dagaallo ay ciidamada SSC- Khaatumo kula wareegeen taliskii ciidamada Somaliland ee Gooja Cadde iyo degaano kale. ⓘ Ciidamada SSC- Khaatumo ayaa saaka lagusoo waramayaa inay difaac adag ka sameysteen degaanka Guumays oo wax yar u jira degmada Oog oo katirsan gobolka Togdheer. Hoggaamiyaha...

Madaxda xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa shacabka ugu baaqay in ay garab istaag u muujiyaan ciidamada millateriga. ⓘ Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa shacabka ugu baaqay midnimo. “Waxaan shacabka Somaliland ee xariirta ah usoo jeedinaya...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay, qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo bulshada Galmudug oo uu kala hadlay xasilinta deegaanada laga xoreeyay Alshabaab iyo qorshaha dowlada ku gaarsiineyso adeegyo bulsho oo dhameystiran. Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay la wadaagay dadaalka...

Dagaal toos ah oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka oo garab ka helaya Dadka Deegaanka iyo ‘AS’ ayaa ka socda Deegaanka Cowswayne oo qiyaastii 20 KM u jira Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug. Ilo kala duwan ayaa u xaqiijiyay  warbaahinta in dagaalkaan uu billowday kaddib markii ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Dadka...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay ka go’an tahay sidii dalka looga saari lahaa ‘AS’ isla markaana laga gungaari lahaa Deyn cafinta, la dagaalanka Musuqa & ka gudubka caqabadaha kale ee ku hor gudban. Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi ayaa sheegay in Amniga diiradda la saarayo...

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, ayaa sheegay in ay Dowladda Soomaaliya ka adkaatay Alshabaab, kadib markii gacanta lagu dhigay degmada taariikhiga ah ee Ceelbuur. ⓘ Taliyaha ciidanka xoogga dalka, oo wareysi siiyay laanta VOA Somali, ayaa sheegay in ay si nabad ah kula wareegeen magaalada Ceelbuur, wuxuuna tilmaamay,...

Xoogaga SSC ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen taliyihii ciidanka Somaliland ee gobolka Sool Faysal Cabdi Bootaan. Taliyaha ayaa laga soo qabtay inta u dhexeysa degaanada Oog iyo Guumeys ee gobolka Sool, xili uu isku dayey inuu u baxsado dhinaca Magaalada Burco sida ay wararku sheegayaan. Ciidan ka tirsan SSC oo ka War helay goobta uu joogo taliyaha ayaa la sheegay iney...

Milkiilaha Shirkadda (X) Twitter Elon Musk ayaa loo heystaa eed la xiriirta in uu shaqo u diiday Dad Magangalyo doon ah sida ay caddeysay Waaxda Cadda Mareykanka oo dacwaddaan kusoo oogtay Ninkaan dhaqaalaha badan heysta. Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in falkaan uu dhacay intii u dhaxeysay 2018 illaa 2022 oo waqti gaar ah laguma muujin balse shirkadda Space...