Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Wararka naga soo gaaraya Aaga deegaano Duleedka Koonfureed ka ah barkada ina Jiirow oo koonfur kagasii Beegan Deegaanka Labagalle ayaa waxaa halkaasi ka taagan xiisad dagaal oo u dhaxeeysa laba maleeshiyo Beeleed. Labada maleeshiyo Beeleed ayaa isku heysta dhul kuyaalla degaannada xiisadda ka taagan tahay sigaar ah barkada ina Jiirow, halkaas oo dhowr jeer lagu dagaalamay. Goobjoogayaal...

Ilaa lix Doonyood oo sida xoolo isugu jira Ari iyo Lo’a ayaa xalay laga dhoofiyay dekadda weyn ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, kuwaas oo ku wajahan Dowladda Sacuudi Carabiya. Wasiiro katirsan Xukuumadda Puntland ayaa Doonyaha siday Xoolaha ka sagootiyay dekadda Magaalada Boosaaso, waxaana jira Doonyo kale oo maalmaha soo socda Xoolo ka qaadi doono dekadda...

Duuliyaha diyaarad khaas ah oo ay eryadeen diyaarado dagaal ka hor inta aysan ku dhicin gobolka Virginia ayaa meydkiisa laga helay qolka diyaarada sida ay sheegtay warbaahinta Mareykanka. Diyaarado dagaal ayaa arkay duuliyaha oo u muuqday mid miyir daboolan ka dib markii ay qabteen diyaaradda, sida ay saraakiisha u sheegeen warbaahinta kala ah Washington Post iyo CNN. Duuliyihii...

Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa Xalay markale fatahaad ka sameeyay xaafadaha Howlwadaag iyo Kooshin. Fatahaadaan cusub ayaa imaaneysa, iyadoo dhawaan xaafadaha Baledweyne ay intooda badan ka baxeen biyahii ku fatahay bishii lasoo dhaafay sagaalkeedii guud ahaan xaafadaha Magaalada Baledweyne. Waxaa sidoo kale fatahaadan...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare geystay oo Xalay ka dhacay guri ku yaala Xaafada Shiirkole degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Muqdisho ayaa la sheegay inuu ka dhacay guri uu ka dagan yahay xaafada Shiirkole taliyihii hore ee saldhigga Booliiska degmada Hodan Cabdifitaax Qoslaaye. Qaraxa oo la tilmaamay...

Wakiilo ka kala socday Dalalka Soomaaliya, Qatar, Isutagga Imaaraatka Carabta, Turkiga, Ingiriiska iyo Mareykanka oo ku kulmay Magaalada Dooxa waxa ay kawada hadlaan taageerista Dowladda Federaalka ee dhinacyada Amniga, Siyaasadda & Bani aadamnimada. Waxa ay bogaadiyeen howlgallada ciidamada Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedyada hoostaga Dowladda & Dadka...

Mike Pence, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Dalka Mareykanka ayaa isusoo sharaxay qabashada Xilka Madaxweynaha Dalkaas kaddib markii warqadda musharraxnimada uu u gudbiyay Xisbigiisa ee Jamhuuriga ah. Pence ayaa kasoo hoos shaqeeyay Maamulkii Madaxweynihii 45aad ee Mareykanka Donald Trump waxa uu hadda rabaa in uu tartan adag uu gudaha xisbigaas kula galo Isla Trump si...

Guddiga doorashada Puntland ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in xal laga gaarayo khilaafka siyaasadeed iyo midka amni ee hor istaagay qabsoomidda doorashada golaha degaanka Garowe iyo labo degmo oo kale. Guddoomiyaha guddiga doorashada Cabdirisaaq Axmed Siciid oo BBC Somali la hadlayay ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha iyo odayaasha dhaqanku ay ku howlan yihiin...

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS Abshir Cumar Huruuse ayaa Magaalada Oslo ee dalka Norway kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaas Anniken Huitfeldt. Kulanka ayay labada Wasiir uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wadashaqaynta dhinacyada xoojinta nabadda,  dib u heshiisiinta, horumarinta dhaqaalaha iyo shirka caalamiga ah ee ilaalinta...

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya Mudane Mukhtar Mohamed Ware. Wasiirka iyo Danjiraha ayaa kulankooda uga wadahadley xoojinta iyo Iskaashiga la dhexeeya labada dal, iyo sidii loo sii adkeyn...