Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Saddex goobood oo ah xuduudka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya oo xirnaa muddo ku dhow 12 sano, ayaa lagu wadaa in bishan dib loo furo, sida ay sheegtay dowladda Kenya. Saddexda goobood oo kala ah, Bulahawa oo ka tirsan degmada Mandheera, Liboi- oo ka tirsan degmada Gaarisa, iyo Kiunga-Daresalam oo ka tirsan gobolka Lamu-ayaa la xiray sannadkii 2011-kii, xilligaasoo ay...

Bayaan ka soo baxay Taliska Ciiddanka Dowladda Sudan ayaa lagu sheegay in la bililqeystay Xarunta Safaaradda Somalia iyo Xarunta Ergada Hawlgalka QM ee Nabad-Ilaalinta ee dalka Sudanta Koonfureed ee (The United Nations Mission in the Republic of South Sudan) ee loo soo gaabiyo (UNMISS). Bayaanka waxaa lagu xusay inay Ciiddan ka tirsan kuwa Gurmadka Degdega ee RSF ka...

Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Doodishe. Kulankan ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehliyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Golaha Wakiilada Jubaland ayaa lagaga hadlay sidii xal waara...

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka Dr. Muhammed Al-Jasser, kulanka oo ka dhacay Xafiiskiisa Madaxweynaha ee Magaalada Jeddah ee Dalka Saudi Arabia. Wasiirka Maaliyadda iyo Wafdigiisa ayaa kala hadlay madaxweynaha Bangiga sidii Bangigu uga qeyb qaadan lahaa arrimaha...

Shirkadaha waa weyn ee Takhasuska u leh Sahminta iyo Baaritaanka Shidaalka ayaa dadaalkii ugu dambeeyey ugu jira Hawlaha Sahminta Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga ee dhex ceegaaga Badda iyo Berriga dalka Soomaaliya. Sida laga soo xigtay Madasha Tamarta ee Shirkadda Shidaalka Maraykanka ee Coastline Exploration ay horkacayso dadaalka dib-u-cusbooneysiinta ee Qeybta Shidaalka...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabadda Xuska aas-aaskii Dalladda Dhallinyarada Soomaaliyeed awgeed waxa uu ubax-dhigay tallada Halgameyaashii SYL oo 80-sano ay ka soo wareegtay markii ay aas-aaseen dalladan xornimada u horseedday dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dalkeenna maanta ay haysato caqabad la mid...

Ururka Maaliyadda Afrika, oo ah shirkad bixisa xallinta kaabayaasha qaaradda, ayaa sheegtay inay Soomaaliya kamid noqotay xubnaheeda, iyadoo ku biirtay Benin, Botswana iyo Congo oo xubin cusub ka noqday shirkadan. Ururka Maaliyadda Afrika (AFC), wuxuu sheegay in ku biirista xubinimada Botswana iyo Soomaaliya ay horumariso waajibaadka AFC iyada oo siinaya dhawrsanaan iyo...

afiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay dacwadda shirkad ajnabi ah oo lagu eedeeyay lacag dhaqid iyo canshuur la baxsasho. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa waxaa lagu sheegay in Xafiiska xeer llaaliyaha Guud ee Qaranka uu baaris ku sameeyay shirkadda AUMOTAIVTE MANAGEMENT SERVICE iyo Maareeyaheeda Xafiiska Soomaaliya...

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo degaan ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab. Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ku leeyihiin deegaanka...

Cagaf ay Saarnaayeen Dad Shacab Ayaa ku Rug maday Buunda koobaad oo ah marin Halis badan oo Fatahaada Wabiga Shabeelle aad usaameysay. Faah Faahin kala.soco Cagaf Rogmaday ayaa ah gadiidka kaliye ee xiligaan ka shaaqeyo magalada Baladweyne fahahada uu sameyay wabiga shabeelle ayana sawabay in dhaman gawarida kale eey ka shaqeyni wayan magalada sawbtuna tahay biyaha...