Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Taliyahii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Maanta laga qaaday xilka, waxaana xilkaasi loo magacaabay Jenaraal Ibraahin Sheekh Muxudiin oo horay usoo noqday Taliyaha Guutada 60-aad ee Ilaalada Madaxtooyadda Qaranka. Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhiga ee ah magacaabista ...

Aniga oo ka jawaab celinaya warqaddii ku taariikheysneeyd 17 Juun, waxaan u caddeeynayaa bulshada Soomaaliyeed, xisbiga Nabad iyo Nolol, Jamaahiirta, hey’adaha garsoorka dalka, guddiyada doorashooyinka iyo diiwaangelinta iyo cidkasta oo ay khuseyn karto oo uu soo gaaray dhawaaqaas, in aanay jirin go’aan aan si iskeey ah u gaaray oo aan la wadaagay hoggaaniyaheenna...

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Puntland ku eedeeyay in ay doonayso in ay samayso dal ku dhisan hayb qabiil oo aan Soomaaliya iyo Somaliland midna ahayn. Biixi ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Dani uu doonayo in uu dhibaato Puntland ka jirta ku xaliyo dagaalka Laascaanood. “Ra’ayiga qaladka ahi socon maayo hadii aad ku...

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa si kulul uga soo horjeestay xilka qaadis uu ku sameeyay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen. Cali Jeyte oo goordhaw shir jaraa’id ku qabtay Baledweyne ayaa si cad qaadacay xilka qaadista lagu sameeyay, isagoona sheegay in maanta kadib aysan gobolka Hiiraan ka jiri doonin wax la yiraahdo...

Cali Yare Cali ayaa beeniyey inuu ka baxay xisbiga Farmaajo hoggaamiyo ee Nabad iyo Nolol, isagoo ka jawaabaya warqad uu ku saxiixnaa Afhayeenka Farmaajo oo saacadihii lasoo dhaafay lagu faafiyey baraha bulshada iyo warbaahinta. Cali ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in warqadaasi ay tahay is qarxin lagu kala dilayo waxa uu ugu yeeray ‘jamaahiirta’ oo uu kala...

Goobta Tareenada laga raaco ee Magaalada Marburg oo ku taalla dalka Jarmalka waxaa meydkiisa laga helay meydka wiil dhalinyaro ah oo Soomaali ah Mohamed Saxardiid ayaa ka mid ahaa dadka ku jiray Kaamka la keeno dadka magangalya-doonka ah ee Neustadt (Hessen), isagoo ka mid ahaa Soomaalidii sanadahan danbe tagay dalkaas. Booliska Magaalada Marburg ayaa Jaaliyada Soomaalida...

Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa xilka ka qaaday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan, oo hormuud u ahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.  Wareegtada xilka looga qaaday Cali Jeyte, ayuu madaxweyne Guudlaawe wuxuu sidoo kale xilka guddoomiyaha gobolka ugu magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin (Surufow). Guudlaawe ayaa sheegay inuu...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuuuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo safar shaqo ku jooga dalka Serbia ayaa kulan la qaatay Duqa Magaaladda Belgrade ee Caasimadda Jamhuuriyadda Serbia Aleksandar Šapić. Kulanka ayaa waxaa Duqa Muqdisho ku wehliyay Danjiraha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Serbia Maxamed Cabdullaahi...

Shirkad qaabilsan ammaanka Computer-ada oo laga leeyahay Maraykanka oo lagu magcaabo Mandiant ayaa Khamiistii sheegtay in kooxo abaabulan oo taageero ka helaya dawladda Shiinuhu inay jabsadeen aaladaha computer-ada ee boqollaal shirkadood oo caalamka oo dhan ku kala yaalla, kuwaas oo ay ku jiraan, hay’ado dawli ah iyo kuwo gaar loo leeyahay. In ku dhow 30% aadalaha la...

Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada Puntland ayaa faah-faahin ka bixiyey sida uu u dhacay weerar lagu soo qaaday. Xildhibaanka ayaa habeenkii hore lagu weeraray hoygiisa caasimadda Puntland ee Garoowe, kadib markii uu maalin ka hor si kulul uga hadlay doorashada degmooyinka gobolka Nugaal. Xildhibaanka oo hadlay ayaa sheegay inuu...