Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar loo adeegsaday bam gacmeed oo ka dhacay fariisin ay ciidanka xasilinta ku leeyihiin isgoyska deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho. Saraakiil ka tirsan Dowladda ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan la xiriira sida uu u dhacay qaraxan oo qalqal galiyay amniga deegaanka Ceelashabiyaha ee duleedka magaalada Muqdisho Afhayeenka...
Author Archives: admin
Wararka ka imaanaya Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidanka maamulka Jubbaland howlgalo ay ka sameeyeen gudaha magaaladaasi iney ku fashiliyeen qarax miino. ⓘ Qaraxa miino ay fashiliyeen ciidanka amaanka degmadaas ayaa la sheegay in lagu aasay hareeraha mid ka mid ah wadooyinka ugu muhiimsan degmada Dhooleey ee gobolka Gedo. Saraakaal...
Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka ayaa xukun kama dambeys ah ku ridday Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud oo ku magac dheer (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin oo loo garanayo (Iidow) oo ku eedeysan in ay Dilal ka geysteen Gobolka Mudug. Labadaan Nin ayaa horay loosoo xukumay waxaana ugu dambeyn kiiskooda loo gudbiyay Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka sida oo Dil...
Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaan Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Maxamed Laftagareen inuusan diyaar u ahayn inuu la dagaalamo Alshabaab. ⓘ Guddoomiye hore Mursal, wuxuu sheegay madaxweyne Lafta Gareen muddo hal sano oo loogu daray muddo xileedkiisa oo la rabay inuu la dagaalamo Alshabaab,...
Qarax xooggan oo loo maleenayo in uu yahay ismiidaamin ayaa goordhaw lagu weeraray maqaayad kutaalla agagaarka xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Sida aan wararka ku heleyno qaraxa ayaa waxaa fuliyay qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray, waxaana qaraxa la sheegay in lala eegtay...
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay digniino hor leh, kuwaasi oo la xiriira waxyeelo xooggan oo ka dhalan karta roobab mahiigan ah oo la saadaalinayo inuu ka da’o qaar kamid ah gobolada iyo degmooyinka dalka. Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa ka cabsi qabta in bulshada Soomaaliyeed ay waxyeelo badan kasoo gaarto fatahaadaha...
Wasiirka Gargaarka iyo Wasiirka Socdaalka Sweden ayaa warqad wadajir ah u diray dowladda Soomaaliya. waxaana ku qornaa in la xoojiyo iskaashiga ku saabsan dib u celinta qaxootiga iyo in Sweden oo muddo dheer ka mid ahayd dalalka deeqaha ugu badan siiya Soomaaliya ay dib u eegis ku sameyneyso gargaarka, haddii loo hoggaansami waayo isbeddelka cusub. Dawladda cusub ee Sweden...
Tuulada Faafi ee qiyaastii 70 KM u jirta Magaalada Gaarisa waxa ay dadka degen cabasho ka yihiin Raxan Dhurwaayo ah oo weerar ku ah Dadka iyo Xoolaha ay dhaqdaan kaddib markii biyo la’aan xooggan ay ka dhacday deegaankaas. Dhowr weerar oo ay geysteen raxan dhurwaayo ah waxa ay ku dhaawaceen labo ruux halka ay dileen qof kale, waxaana ay ku cuneen tiro xoolo ah sida ay...
Waddamada ku yaboohay ciidamada Soomaaliya ee ku howlgalla Magaca Midowga Afrika ee ATMIS ayaa aqbalay Codsi uga yimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo ah in muddo 3-bil ah (90 Cisho) dib loo dhigo bixitaanta wajiga labaad ee ciidankaas. Dalalkaan ayaa ku qancay codsiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira arrimaha...
In ka badan 2,500 oo muhaajiriin ah ayaa dhintay ama la waayey ayaga oo isku dayaya inay badda Meditareeniyaanka uga gudbaan Yurub illaa hadda sanadkan 2023, waxaa sidaas Khamiistii sheegtay hay’adda qaxootiga QM ee UNHCR. “Illaa September 24, waxaa la tiriyey in in ka badan 2,500 ay dhinteen ama la la’yahay 2023 kaliya,” waxaa sidaas Golaha Ammaanka u sheegtay...