Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Madaxda sare Dowladda Federaalka Soomaaliya oo booqday qaar kamid ah Dadkii ku dhaawacmay weerarkii tooska ahaa iyo qaraxyadii isla socday ee ‘AS’ ku qaadday Hotel SYL Magaalada Muqdisho ayaa caafimaad u rajeeyay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Ra’iisul Wasaaraha...

Maraykanka ayaa aad uga walaacsan qorshaha Ruushka uu isugu faafinayo Qaaradda Afrika, welwelka Xukuumadda Washington ayaa sii kordhayay saddexdii sano ee lasoo dhaafay oo ku beegan markii Moscow ay faraha la gashay dagaalka Ukraine. Ruushka ayaa samaystay saaxiibo si toos ah ugu xiran oo ku sugan Qaaradda Afrika iyada oo si aan ka gambasho lahayn ay u dhaceen dibadbaxyo...

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanahaya kuwa dadka ddeegaanka  ayaa hawlgal qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal sare iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ka fuliyay deegaanka Dumaaye ee gobolka Mudug. Howlgalka ayaa ciidamada is garabsanaya waxay si gaar ah uga sameyeen wado ay ku safrayeen horjoogayaasha iyo maleshiyaadka kale, waxaana lagu...

Madaxweynihii hore ee Dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) oo siidayntiisii kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay qaabkii uu xoriyadiisa dib ugu helay cidda ka dambaysay siidayntiisa iyo waxa uu wakhti xaadirkan ka aaminsan yahay Xukuumadda Dowlad degaanka Soomaalida. Cabdi Iley waxa uu ugu horreyn sheegay in siidayntiisa Ilaahay ka...

Taliska ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay Weerarkii xalay dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku qaadeen hotelka SYL ee ku yaalla meel ku dhow Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya. Afhayeenka ciidanka Booliska Qaasim Axmed Rooble oo Warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in dabley gaareysa 5 qof ay Weerar ku bilowday...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland D.R. Ciise Kayd Maxamuud, oo ku sugan Faransiiska ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay ku guda jiraan dhamaystirka is-fahamkii ay gaadheen. Wasiirka ayaa sheegay in ilaa hada 2 qodob oo kamid ah heshiiska ay bulshadu ka warqabto, lakiin ay rajaynayaan in ay saxeexaan heshiis dadka reer Somaliland ayna ka qoomamoonin. “Ilaa...

Ugu yaraan 29 Falastiiniyiin ah oo sugayay gargaar ayaa lagu dilay laba weerar oo ay geeysteen ciidmada Israa’iil, kuwaas oo ka dhacay marinka Qaza Khamiistii, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza. Dhacdadii ugu horreysay, saraakiisha caafimaadka Falastiiniyiinta ee ku sugan marinka ay Xamaas maamusho ayaa sheegay in siddeed qof lagu dilay weerar xagga cirka...

Inta la xaqiijiyay ilaa Saddex Ruux ayaa Cudurka Shuban-biyoodka ugu geeriyooday kuwo kalena waa ay la jiifaan degaano hoostaga Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle ee Magaalada Jowhar. Degaannada Saar-saare iyo Gololeey Magacle ayaa cudurka uu ka dilay, waxaana ugu geeriyooday Saddex Ruux maadaama degaannadaas aysan ka jirin Goobo Caafimaad oo dadka lagu baxnaaniyo Xoghayaha...

Waxaa sii kordhaya Internet la’aanta haysata waddamo dhaca Qaaradda Afrika iyada oo aanay ilaa haatan la ogaan ama la shaacin sababta ka dambaysa in xawaaraha khadka Dalalkaas uu aad ugu hoos dhaco heerkii uu joogay. Dad badan ayaa ka cabanaya khad la’aan xooggan halka qaarka haysta uu awood u ahaan aad ugu liito waana tan keentay in shirkadaha qaar ee bixiya adeeggaan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha HirShabeelle Cabdiraxmaan Daahir Guure ayaa sheegay dagaalkii ka dhacay magaalada Baladweyne inuu sabab u ahaa markii jidgooyo loo dhigay guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle. Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in koox hubaysan ay jidgooyo dhigteen halka uu guddoomiyuhu xafiiskiisa uu mari lahaa, taasoo uu sheegay inay keentay...