Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta maamuusaysa 45-sano guurada kasoo wareegtay markii madaxbannaani ka qaadatay Gumeystihii Faransiiska 27kii June 1977dii, munaasabad ka dhacday dalkaas waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin & Shacab. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Shacabkiisa fariin uu u diray ugu hambalyeeyay munaasabadda 45-sano guurada...

 Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan degaan lagu magacaabo Qudus ayaa sheegaya in ciidamada daraawiishta Jubbaland ay ka geysteen dhibaatooyin ka dhan ah shacabka deegaankaas. Odayaasha dhaqanka ee tuulada Qudus oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay tuuladaas gubeen, sidoo kale ay ka geysteen dhimasho, dhaawacyo iyo burbur hanti...

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in gantaalaha riddada gaaban ee nukliyeerka uu siini doono dalka ay xulufada yihiin ee Belarus isla markaana uu siinayo bilaha soo socda. Waxa uu sheegay in hubka Iskander-M “uu awood u leeyahay in uu xambaaro gantaallada baalistic-ga ah iyo kuwa caadiga ah iyo noocyada nukliyeerka ah”. Hubkan uu Ruushka siinayo Belarus...

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey munaasibadda 62-guurada kasoo wareegtay markii Gobolada Waqooyi xorriyaddooda ka qaateey dawladda Ingiriiska, ayaa caddeeyey inay agtiisa taallo oo ay fidsan tahay gogoshii wada-hadalka ee uu horeba ugu baaqay madaxda axsaabta mucaaridka ah, walaaltinimo iyo wada-hadalna uu diyaar u yahay, isaga oo shacabkana...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ka wakiil ah Madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb galay munaasabada xuska 26‐ ka Juun, oo ku beegan 62-sanno guuradii ka soo wareegatay xiligii gobolada waqooyi ee dalkeenna ay xurnimadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, Guddoomiyaha ayaa salaan sharaf ka qaatay...

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo soo saaray qoraal ku aadan munaasabadda 26-ka June, ayaa sheegay in Soomaaliya ay haysato fursad taariikhi ah oo ay ku sixi karto khaladaadkiii ka dhacay. “Xuska sannad guurada 62-aad ee maalinta xoriyadda 26ka Juun, waa fursad aynu ku sixi karno wixii naga qaldamay muddadaas, sidoo kale aan ku xoojin karno dhaqamada...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliye Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 62 guuradii ka soo wareegtay markii ay xorriyadda qaateen gobollada waqooyi ee Soomaaliya ayaa hambalyo ku aadan u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dibada iyo gudaha dalka. “Waxaan dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyaynayaa munaasabada...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Senator Cismaan Abuukar Dubbe oo ka hadlay Munaasabad lagu maamuusayay 62-sano guurada kasoo wareegtay markii xorriyadda ay qaateen Gobollada Waqooyi 26kii June 1960 maanta oo kale ayaa sheegay in lacagtii lagu soo iibinayay sanadihii dambe bullalayrka la ridi jiray uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u wareejiyay taakulada loo uruurinayo...

Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday gaari bas iyo mid tax ah oo marayay gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya, waxaana ay dadkii saarnaa ay ka baareen in ay ku jiraan dad aan Soomaali aheyn oo u dhashay gobolada kale ee dalka Kenya sida ay xaqiijiyeen warbaahinta  Kenya. Dhacdadan ayaa ka dhacday deegaanka Lag Barich oo u dhexeeya Magaalada Dabacity iyo Buurta Dimu ee xuduudka...

Guddoomiyihii ku meel gaarka ahaa ee xildhibaanada golaha shacabka intii laga soo dooranayey guddoonka rasmiga ah ee golaha Xildhibaan Cabdisalaan Axmed Liibaan Dhabancad ayaa ka hadlay ka hadlay isku eedeynta uu wajahayo kiiska Ikraan Tahliil. Dhabancad ayaa sheegay in rag iska dhicin ay ka tahay eedeynta Fahad Yaasiin ee ku wajahan ra’iisul wasaare Rooble iyo masuuliyiin...