Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa  taageeray oo soo dhaweeyay dhismaha cusub ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (ATMIS). War qoraal ah oo uu soo saaray sarkaalka ugu sareeya Qaramada Midoobay ayaa ku celceliyay in taageerada hagar la’aanta ah ee Qaramada Midoobay ay siiso Soomaaliya, isaga oo muujiyay taageerada buuxda ee ATMIS iyo...

Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Heer Federal ayaa waxaa uu go’aamiyey in dib loogu noqdo doorashada dhammaan Afartii kursi ee horay u hakiyeen doorashadooda, kuwaas oo khilaaf uu ka taagnaa. Kuraasta la hakiyay ee doorashadooda dib loogu laabanayo ayaa waxaa ay ka kala imaanayaan Maamulada Koonfur Galbeed iyo hir-Shabeelle, waxaana ay kala yihiin. 1:  Hop#154 oo...

Madaxweynaha  Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saaray baaq caalami ah oo uu ku saxeexan yahay looguna talo-galay in taageero loogu raadiyo dadkii ay saamaysay musiibada dabka ee dhawaan baabi’isay suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa. Baaqa ayaa waxaa uu ku socdaa beesha caalamka, kuna lifaaqan tahay warbixinta hordhaca ah ee ay soo saareen guddida taakulaynta...

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya laamaha Amniga Maamulka Galmudug ayaa waxaa suurto gashay inay gacanta ku dhigaan Gaari siday waxyaabaha qarxa, kaas oo ku wajahnaa degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud. Saraakiisha laamaha Amniga Galmudug ayaa sheegay in xog ay heleen ay ku guuleysteen soo qabashada Gaariga oo noociisu yahay Probox, kaas oo ay la socdeen laba...

Ururka Alshabaab ayaa beeniyay qoraal dhowaan kasoo baxay Hey’adda NISA, kaas oo ahaa in Alshabaab uu qorsheynayo weerar ka dhan ah madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Alshabaab ayaa sidoo kale iska fogeeyay in uu ka tirsanyahay shakhsi lagu Magacaabo Maxamed Maahir oo horay magaciisa ay hey’addaasi sheegtay in uu weerarkaasi qorsheynayo. Xildhibaano...

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalkSoomaaligeed ee DANAB  ayaa Hawlgallo Qorshaysan Maalmihii uu dambeeyey ka waday Degaano ka wada tirsan Gobolada Shabeellaha Dhexe & Shabeelaha Hoose. Degaanadan howlgalku ka dhacay ayaa kala ah jameeco jiliyaale,Gamboole, Fiidow ,Kiliga shiinaha,Dhiingaras,Shaan &Duduble halkaas oo ay Al-Shabaab ku lahayeen Fariisimo kala duwan. Howlgalka...

Waxaa siweyn loo adkeeyay Amniga Ra’iisul Wasaare Rooble kadib qoraalkii kasoo baxay NISA ee ahaa in Al-Shabaab ay weeraro la damacsan yihiin Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha. Wararka la helay ayaa sheegaya in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu ku  Shaqeeyo iyo Guriga uu degan yahay lagu kordhiyay Ciidamo horleh xilli xilkii laga qaaday Taliyihii ilaalada Ra’iisul...

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ayaa si kulul uga hadlay qoraalkii xalay kasoo baxay NISA ee ahaa in Al-Shabaab qorsheynayaan weeraro ka dhan ah Farmaajo iyo Rooble. Qoraal uu Sheekh Shariif soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku eedeeyay Hay’adaha Amniga inay dacaayad u sameeynayaan Kooxaha loogu yeero argagaxisada. Sheekh...

Madaxweynaha  Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka dalka Sweden Amb. Per Lindgarde, oo Hargeysa u tagay in uu shacabka Somaliland la qaybsado tacsida iyo tiiraanyada ka soo gaartay masiibadii ka dhalatay Dabka ee Suuqa Waaheen. Safiirka ayaa sheegay inay ka xunyihiin ka dawlad iyo shacbi ahaanba dhibta soo gaaray Suuqa Waaheen iyo...

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo marar kala duwan soo noqdey ra’iisal wasaaraha dalka Soomaaliya, ayaa qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay uga hadlay digniin ay soo saartay Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya ee NISA , hay’adda ayaa digniintaas ku shaacisay shirqool ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneyso inay ku disho Madaxweyne Farmaajo...