Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Qaar kamid ah Odayasha dhaqanka gobolka Banaadir oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa eedeymo u jeediyay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdulaahi Carab). Odayaasha ayaa uga digay musuq-maasuq ay sheegen in Wasiirka uu ku sameeyo deeqaha waxbarasho ee loogu talo galay ardeyda gobolka Banaadir, kuwaasi oo qaarkood lacag badan...

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa munaasabad ku qabsoontay Madaxtooyada Qaranka, waxa uu kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo safiirka cusub ee ay Jamhuuriyadda Finland u soo magacawday Soomaaliya Mudane Pirkka Tapiola. Danjiraha Dowladda Finland Mudane Tapiola ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay dhambaal...

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Dr Cali Saciid Faqi ayaa Qasriga Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi ay hogaamineysay Kaaliyaha Xoghaya Qaramada Midoobey ee Afrika Mss Martha Akyaa pobee iyo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan. Waxaana Shir la yeesheen Gudiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed...

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Maamulka degmada Wadajir Ciise Shiraawe  Cabdi ayaa sheegay in Maanta weerar qorsheysan lagu qaaday xilli uu ku wajahnaa Xarunta Maamulka degmada, isla markaana uu ka badbaaday weerarkaas. Shir jaraa’id oo uu Warbaahinta ugu qabtay Degmada Wadajir ayaa waxaa uu sheegay xilli uu u dhowaa goobtiisa Shaqada ee Xarunta degmada...

Khilaafka Wasaaradda Waxbarashada & Maamulka Gobolka Banaadir oo xoogeystay Waxaa sii  xoogeysanaya kbilaafka dhanka awooda ah ee u dhaxeeya Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda xilgaarsiinta iyo Maamulka Gobolka Banaadir ee uu hoggaaminayo Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish). Warsaxaafadeed kasoo baxay Maamulka Gobolka ayaa waxaa loogu jawaabay Wasaaradda Waxbarashada...

Guddiga Amniga Doorashooyinka Qaranka ayaa iaamiyay goobaha loo asteeyay in ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaannaada Aqalka Hoose ee Muqdisho iyo Gobolada dalka. Qoraal kasoo baxay Guddiga oo la ogeeysiiyay Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu shaaciyay Magacyada Goobaha lagu qabanayo doorashada oo ay qiimeyn dhinaca amniga ah ku sameeyeen. Sidoo kale Guddiga waxaa ay...

Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Greece ayaa tahriibayaal Soomaali ah kusoo celiyay dalka Turkiga. Tahriibayaashaan oo la socday labo doonyood oo si sharci darro ah ku galay dalka Greece ayaa waxaa saarnaa 31 qof. 14 kamid ah waxay ahaayeen rag, 14 dumar ah iyo saddex carruur ah. Dowladda Greece ayaa gabi ahaanba diiday in dalkeeda ay galaan tahriibayaal Soomaali ah, iyadoo...

Dowladda Koonfur Afrika ayaa cambaareysay warar been abuur ah oo ku saabsan in Moos Soomaaliya laga keenay oo ay ku jiraan nooc ka mid ah bakteeriyada loo yaqaan Helicobacter, la galiyay dalkaas. Qoraal ay maanta soo saartay waaxda Beeraha, Dib u habeynta Dhulka iyo Horumarinta Reer Miyiga, ayaa lagu sheegay in aanay jirin Moos ka yimid Soomaaliya oo dhawaan lagasoo dajiyay...

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka dalka ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in heshiis lagu yahay in afartii sano mar la qabto doorasho, isla-markaana kursiga madaxweynaha uu...

Maamulka Dalka Poland ayaa sheegtay in ay ka hortageen isku day boqolaal tahriibayaal ah oo doonayey in ay dalkaasi ka soo galaan dhanka bari ee dalka ay jaarka yihiin ee Belarus. Maamulka ayaa sheegay in xadka ay geyeen ciidamo dheeraad ah, ilaalada xuduudaha iyo booliis si ay uga hortagaan kumanaan kale oo la tilmaamay in ay ku sii jeedaan xadka Poland. . Muuqaallo lagu...