Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xil ka qaadis ku sameyey Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada halka kuwo kalena isku shaandheyn lagu Sameyey. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne laftagareen ayaa waxaa xilalkiii looga qaaday Wasiirada kala ah Garsoorka & Cadaaladda Maxamed Xuseen Xasan (Joon) Warfaafinta...

Taliska Booliska degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa digniin adag u waxaa uu u diray dadka Gudaha degmada ku dhex sameeya ama ku dehex isticmaala waxyaanaha maanka dooriya. Taliyaha Booliska degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdalla Boorow ayaa sheegay in maalahaan ay wadeen howlgallo kala duwan oo ay kusoo qabteen dad isticmaalayay kana ganacsanayay...

Munaasabad kooban oo ay xilka kukala wareegayaan taliyihii hore ee saldhiga degmada Jowhar iyo taliyaha cusub ee dhawaan la soo magacaabay ayaa lagu qabtay magaalada Jowhar. Munaasabada ayaa waxaa ka qayb-galay saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed oo uu ka midyahay taliyaha qaybta booliska Gobalka Shabeellah Dhexe, ayaa Waxaa ugu horeeyn ka hadlay tiliyihii...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Kenya Raychelle Omamo,taas oo Maanta soo gaartay Magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa ay labada dhinac kaga wada hadleen sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya...

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan, ayaa safar shaqo ku tagay Magaalada Qardho, kaas oo la xiriira u kuur-galida iyo ka jaawaabidda xaalada magaalada si gaar ah xanuunka Covid-19 oo fara ba’an ku haya Magaalada Qardho kaas oo in dad badan ay ugu dhinteen labadii bilood ee lasoo dhaafay. Wasiir Jaamac ayaa ugu horayn saraakiisha ka shaqaysa...

Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka jawaabay cabasho ka timid shacabka ku dhaqan Muqdisho, waxayna sameeyeen howl-gal ka dhan ah dadka isticmaala maandooriyaha iyo kuwa ka ganacsada. Howl-gallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa laga sameeyey inta badan gobolka Banaadir, waxaana lagu soo qabtay tiro dad ah oo ay gacanta ku soo dhigeen ciidanka. Taliye...

Ugu yaraan 14 qof ayaa ku geeriyootay, 18 kalena wey ku dhaawacmeen, kadib, markii uu Bas maanta ku qalibmay meel ku dhow Caasimadda Gobalka Balikesir ee Waqooyi Galbeed ee dalkaasi Turkiga. Goobjoogayaal ayaa sheegay inuu Dareewalku xakamayn kari waayey Baska, xilli uu marayey Wadada Weyn (Highway)-ga ee Balikesir, wuxuuna Baska ku sii jeeday magaalladda Edremit ee Galbeedka...

Maaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Dabageed yaa la filayaa in maalmaha soo socda ay dib ugu laabtaan magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle kadib markii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu amray in si deg deg ah loo soo gaba-gabeeyo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Socdaalka...

Waxaa Magaalada Muqdisho soo gaartay wafdi ay hoggamineyso Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Kenya Raychelle Omamo, iyada oo siweyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho. Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa wafdiga kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Maxamed Cabdirisaaq & Xubno kale oo ka tirsan...

Dagaalka oo geystay khasaar isugu jira dhimasho iyo dhaawac una dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Baar-sanguuni oo kamid ah degaannada hoostaga Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga Ciidamada ee degaanka...