Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Kooxo hubeysan ayaa waxaa ay Maanta xaafada Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne  la sheegay  ku dileen Askari ka tirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliya, iyaga oo horay u qaatay qorigii uu watay. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Askariga  xilliga la dilayay  uu ku sugnaa  Suuqa Xoolaha ee Xaafada Holwadaag, isla markaana kooxihii ka dambeeyay dilka ay goobta...

Xildhibaan Ihaan Cumar oo kamid ah Koongareeska Mareykanka ayaa waxaa la sheegay in Baarlamaanka Mareykanka ay u gudbisay mooshin ka dhan ah Amiirka Sacuudiga. Mooshinka oo ku aadan in cunaqabateyn la saaro Amiirka Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa ka dambeeyay ,kadib Markii (CIA) Mareykanka xaqiijiyeen in Aniirka Sacuudiga uu lahaa amarka dilka & hilbajarjarka Wariye...

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Xuseen Yuusuf Cigaal ayaa kamid ahaa Soomaalida degan xaafada Edmonton ee waqooyiga london, waxaana loo hhelay in uu si bareer ah u dilay xaaskiisa. Xuseen ayaa waxaa ay maxkamad la soo taagay ku heshay danbi ah in uu dilay xaaskiisa Maryan Ismaaciil 6 April sanadkii 2020, waxaana lagu xulumay xabsi daa’in. Xuseen ayaa maxkamada...

Warbixin uu shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa lagu ogaaday in Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu ansixiyay dilka weriyaha qurba-joogga ahaa Jamaal Khaashuqji sanadkii 2018. Warbixinta oo uu shaaciyay maamulka madaxweyne Biden ayaa waxa ay tibaaxaysaa in amiirka uu ansixiyay qorshada in “la soo qabto ama la dilo” weriyaha uu saldhiggiisu...

Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa si weyn u dhaweysay heshiiskii ay xalay wada gaareen midowga Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo xukuumadda xil gaarsiinta ee hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Jubbalan waxay soo jeedisay in saamileyda Siyaasadeed ee dalk ay qeyb ka noqdaan hanaanka dalka looga hirgalinaayo doorasho xor iyo...

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin ay maanta soo saartay waxa ay ku sheegtay in boqollaal qof oo rayid ah oo aan hubaysnayn ay ciidammada Eritrea bishii Nofeembar ee sanadkii tegay ku xasuuqeen magaalada taariikhiga ah ee Axum ee waddanka Itoobiya, intii uu socday dagaalkii gobolka Tigray. Hay’adda ayaa waxa ay ciidammada Itoobiya...

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay Khamiistii in loo cusbooneysiiyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), oo ah ciidan nabad ilaalin ah oo markii ugu horeysay la geeyay dalka Soomaaliya. 2007. Sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay UK xarunta Qaramada Midoobay, dhamaan xubnaha UN-ka waxay si aqlabiyad leh ku ansixiyeen in waqtiga loo kordhiyo...

Madaxweynaha Waqtigiiso dhamaaday ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo Midowga Musharaxiinta oo xalay wadajir loo soo saaray. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble dadaalka uu ku bixiyey heshiiska wadajirka ah iyo guud ahaan maareynta arrimaha doorashooyinka...

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka baaqsaday shirka Decale ee u socda Midowga Musharaxiinta, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababaha keenay in uu shirkaasi ka baaqsado, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu kulan looga hadlayo xaalada dalka uu la leeyahay qaar...

Su’aallo dheeraad ah & shaki weyn ayaa ka dhashay diyaarad laga leeyahay Maraykanka oo lagu arkay garoon ku yaalla Soomaaliya. Diyaaradda King Air turboprop oo ah nooca ay adeegsadaan qandaraasle-yaasha militariga ayaa la arkay, iyada oo taagan garoon diyaaradeed oo ku yaalla gudaha Soomaaliya, sida ay shaaciyeen boggaga wararka ee Baotintuc iyo Okezone.com. Sidoo...