Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadashay cabashada hooyo Amran Maxamed Cismaan oo sheegtay in gabar ay dhashay oo 16 jir ah ay haystaan ciidamada ilaalada madaxtooyada. Agaasimada madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed oo qoraal soo dhigay facebook ayaa sheegay inay baaritaan ku sameynayaan cabashada hooyo Amran. “Waan maqalnay qaylo dhaanta Hooyo Amran Maxamed Cismaan...

Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ansixiyay Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.Ajendaha Kulanka ayaa ahaa; Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta. Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta, Adeega Bulshada, Arrimaha Aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare Senatar Axmad Macalin Cumar ayaa ka hor akhriyay Golaha...

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in xoogag lagu tuhusan yahay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab toogasho ku dileen saddex Macalin degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya. Al-shabaab ayaa dhankooda war ay soo saarteen ku sheegtay mas’uuliyada weerarka lagu dilay saddexda Macalin. Warbixin ay soo saareen Booliiska Kenya ayaa lagu sheegay in saddexda macallin...

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil uu maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya Ilmo yar ugu geystay afafaaka hore ee xarunta gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu ka mid ahaa ciidanka ilaalada xarunta dowladda hoose ee Xamar oo uu ku shaqeeyo maamulka gobolka Banaadir. Dilka wiilkaan yar oo lagu qiyaarsay 10...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabelle  Maxamed Cabdi Waare ayaa gaaray Magaalalada Beydhabo ee xarunta KMG Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo garoonka Diyaaradaha Magaaladaasi ee Shaati Gaduud Airporka si heer sare ah loo soo dhoweeyay. Ujeedka Safarka Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ah ka qeyb galka shir weyn beri ka furmaya Magaalada Beydhabo...

Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegaysa dagaalyahano ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab inay bur buriyeen anteenooyin  Isgaarsiineed oo ku yaalay degaano ku dhow degmada Gaarisa ee dalka Kenya. anteenooyin  ayaa la sheegay Shabaabka inay ku xireen waxyaabaha qarxa, kadibna sidaasi ay ku bur buriyeen, waxaana sidaasi xaqiijiyay Gudoomiyaha Magaalada Gaarisa Waxaa uu ...

Xarun milateri oo ku taala Niger ayaa weerar ay ku qaadeen koox xagjir ah waxa ku dhintay 25 qof. Weerarka ayaa ka dhacay xarun milateri oo ku taala galbeedka Niger, kuna dhaw xuduuda Mali. Bil ka hor ayaa 71 askari lagu dilay weerar ay ku qaadeen isla gobolka. Kooxahan ayaa la sheegay inay ku xiran yihiin ururka al-Qaeda. Madaxweynaha Niger ayaa wacad ku maray in ay tilaabo...

Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaa baahisey barnaamijkii la sugayey ee laga diyaariyey shabakad Al-Shabaab u qaabilsan dilalka Muqdisho, oo xubno ka tirsan la qabtay. Inkastoo in ay jirto qayb labaad, xalqada koowaad oo ninka ugu badan ee kasoo muuqday uu yahay Maxamed Xaaji Axmed, “horjoogaha” shabakada, waxaa lagu soo bandhigay xogo kala duwan. Macluumaadka ayaa...

Dowlada hoose ayaa ah jilaha ugu hooseeya oo si xor ah loo soo doorto ayaa wax badan oo adeeg ah u qabato bulshada waxaana ka mid ah bixinta dhulka, canshuuraha guryaha ganacsiga adeegyo amni iyo caafimaadba. Maamul dowladeedku ayaa lagu dhex fulin karaa ama soo hoos geli Kara dal, ganacsi, balse hanaanka maamuleed ee lagu howlgalo, go’aanadana lagu fuliyo loo dejiyo...

Maxbuus hore uga tirsanaa Daacishta Soomaaliya ku xukunaa xabsi gaaraya 15 sano ayaa ku geeriyooday xalay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho. Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay Mahad Maxamuud Abuu Yaasiin ayaa haystay dhalashaada wadanka Ruushka ayaa u geeriyooday xanuun hayay todobaadyadii la soo dhaafay. Mahad Maxamuud Abuu Yaasiin ayaa waxaa uu horay daacad ugu noqday...