Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah ayaa lagu toogtay Hawada kaddib markii ay ku dhawaatay xarunta laga xukumo Sucuudiga ee Riyaadh. Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Sucuudiga ayaa Hub culus u adeegsaday Diyaaradda iyada oo xalay inta badan Riyaadh laga maqlayay Rasaas u muuqatay labo dhinac. Saraakiisha amaanka Madaxtooyada ayaa sheegay in Diyaaradda laga shakiyay islamarkaana...

Khilaaf ayaa soo gala dhexgalay Wasiiradda Warfaafinta maamul goboleedyadda iyo sidoo kale wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, waxaana Khilaafkaan uu ka dhashay kulan shalay ka dhacay Muqdisho oo looga hadlaayay Badqabka Suxufiga. Wasiiradda oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho waxa ay sheegeen in shirkaan lagu casuumay, islamarkaana markii ay yimaadeen ay la kulmeen...

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xabsiga ka siidaayay Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow oo maalmihii lasoo dhaafay ku xirnaa Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland. Ciidamada Somaliland ayaa xiray Boqorka Markii uu kasoo laabtay Booqasho uu ku tagay degaanada maamulka Puntland. Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysay sii deynta Boqor Buur-Madow hase yeeshee...

Kulankan oo looga hadlayay sidii wada jir looga qeyb qaadan lahaa ka horta fatahaad uu sameeyo wabiga shabeelle ee dhaxmara bartamaha magaalada Baladweyne islamarkana gurmad kala duwan loo gaarsiin lahaa dadka dan yarta ayaa waxaa ka qeyb galay maamulka gobolka Hiiraan kan degmada Baladweyne, iyo xubno ka tirsan ha’yadaha samafalka. Guddoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed...

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Guddoonka Golaha shacabka Nuur Iidow Beyle ayaa faray Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre in uu xilka ka tiriyo Wasiirrada isu sharraxay Guddoomiyaha Golaha shacabka . Nuur shalay gelinkii dambe ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guuddiga doorashada Guddoonka Golaha shacabka,waxaana ay uu wareysi uu siiyay Idaacadda Mustaqbal kaga...

Gabar lix bilood jir ah ayaa lagu kufsaday laguna dilay gobolka Madhya Pradesh ee dalka Hindiya, falkaasi oo noqonaya kii ugu dambeeyay falal taxana aha oo kufsi loogu geystay caruur badan oo dalkaasi ku sugan, taasi oo lagu tilmaamay in dalku uu galay xaalad degdeg. Jismiga ilmahan yar oo wadda dhiig ah ayaa laga helay qeybta hoose ee dukaan ku yaalla magaalada Indore...

Taliyaha Ciidanka Booliska maamulka Jubbaland Maxamed Cabdinaasir Guuleed oo maanta la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan C/laahi Asad Ismaaciil oo dhawaan Xaaskiisa oo lagu Magacaabi jiray Muxibo Maxamed Guure ku dilay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ugu horreyn Taliyaha ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu baxsaday eedeysane...

Shir ka dhacay xarunta Taliska AMISOM ee Xalane ayaa looga hadlay qatarta Al-Shabaab iyo weerarada ay ka geysanayaan magaalooyin ay ka mid tahay Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. AMISOM ayaa sheegtay iney wallaac ka muujineyso Alladaha waxyaabaha qarxa ee Al-Shabaab ay adeegsadaan iyo iney jiri karaan waxyaabo si casriyesan loogu adeegsado Qaraxa. Sidoo kale,AMISOM ayaa...

Waxaa lagu waddaa Saacaddaha soo socda in dalka Sacuudi Carabiya laga daawado filimkii ugu horeeyay oo laga baahiyo goob fagaare ah ku dhawaad 40 sano. Kumanaan qof oo dhashay dalka Sacuudiga ayaa lagu waddaa in ka qeyb galaan daawashada filimkaasi. Sanadkii lasoo dhaafay ayaa Xayiraada saarneyd shineemooyinka laga qaaday oo horey loo sheegay inay tahay wax diinta kasoo...

Warar hoose   ayaa sheegaya in Dowlada Sacuudiga ay ka gaabineyso Heshiisiinta Soomaaliya iyo Imaaraadka, ka dib khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay Sacuudiga iyo Imaaraadka. Diblumaasiyiin Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xariiqay in Sacuudiga uusan hada wax dan ah ka laheyn guul laga gaaro wada hadalada Soomaaliya iyo Imaaraadka, waxayna taasi ka dambeysay ka dib...