Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan degamda Buulo-Burde ayaa waxaa la sheegay inay fashiliyeen qarax lagu Aasay wado muhiim ah oo ku taalla Bartmaha degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa u sheegay risaala in qaraxa oo ahaa Miino lagu Aasay Xaafada Ceel-Gaabta oo ah suuq lagu Iibiyo Jaadka(qaadka),...

Wararka aan ka helayno Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in xalay Saldhiga Degmadaasi uu ka baxsaday nin ka mid ahaa maxaabiista ku xirnaa. Ninkaan Maxbuuska ah ayaa baxsaday xilli askarta Saldhiga ku sugnayd ay fadhiyeen irida hore ee Saldhiga, islamarkaana waxaa eryaday mid ka mid ah askartii banaanka joogtay oo rasaas kor u riday, ugu dambeyna soo qaban...

Iyadoo odayaasha Koonfur Galbeed ay maanta la kulmeen ra’iisul wasaare Kheyre, ayaga oo kala hadlay dadkii ay ciidamada dowladdu ku dileen magaaladaas iyo in magdhow laga bixiyo, ayaa ilaalada khaaska ah ee Ra’iisul Wasaare Kheyre waxay galabta Baydhabo ku dileen qof shacab ah. Xilli uu Ra’iisul Wasaare Kheyre kusii jeeday dhagaxdhiga garoon lagu cayaaro kubadda...

Qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda qaadatay qandaraaska lagu dhisayo Tuulada cayaaraha ee Stadium Muqdisho ayaa xaqiijiyay in amar kasoo baxay Ururka Al-Shabaab lagu joojiyay guud ahaan dhismihii Garoonka. Al-Shabaab ayaa ku amray shirkadda ay dowladda federaalku siisay qandaraaska lagu dayactirayo garoonka  in ay joojiso dhismaha ay ka wado halkaasi. Shaqaalaha ayaa...

Waxaa aad loo adkeeyay Ammaanka guud ee Degmada xudur oo ah Xarunta Gobolka Bakool, iyada oo lagu wado in saacadaha soo socda uu halkaasi tago Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo haatan ku sugan Magalada Baydhabo. Gudaha degmada Xudur ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda & kuwa AMISOM oo siweyn amniga u adkeynaya,waxaana sidoo kale...

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in laba qarax lala beegsaday ciidamada Burundi ee ka tirsan hawlgalka AMISOM. Qaraxyadan ayaa la sheegay inuu duhurnimadii maanta ka dhacay deegaanka Buurane oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe sida VOA ay u sheegeen dad degaanka ku sugan. Qaraxyada ayaa lala eegtay askarta AMISOM kuwaas oo ku sugnaa meel...

Guddi ka socday maamulka Jubbaland iyo Waxgaradka Gedo oo la kulmay Madaxda Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa sheegay in la hor dhigay Shuruudo ka yimid dhanka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kuwaasoo looga baahan yahay Jubbaland in ay fuliso si loo sii daayo Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid...

Odayaasha Dhaqanka ee Magaalada Baledweyne ayaa waxay si adag uga horyimaadeen amar ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo dhanka kale dowladda ku eedeeyay fara-gelin inay ku hayso reer Hiiraan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay amartay in ciidan ku sugan magaalada Baledweyne loo kaxeeyo Gobolka Galgaduud, kuwaa oo ay sheegtay in wixii agab ah ay iyadu...

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa xalay shaaciyey inuu qorshaynayey inuu maanta xarunta Camp David ee ay ku nastaan madaxweynayaasha Maraykanka uu ku qaabilo madaxweynaha Afghanistan iyo ergo ka socota ururka Taalibaan. Trump ayaa sheegay inuu hadda kulankaas joojiyey sababtoo ah markii ay soo baxday in Taalibaanku ay sheegteen mas’uuliyadda qarax toddobaadki...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  ayaa dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ku wareejiyey 150kun oo dollar oo lagu dhisayo Garoonka kubadda Cagta Dr Ayuub ee Magaalada Baydhabo. Waxaa uu ka dalbaday maamulka Koonfur Galbeed dardargalinta dhismaha Garoonka Magaalada Baydhabo ee kubadda Cagta. Dowladda ayuu sheegay Xasan Cali Kheyre in ay diyaar u tahay...