Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Ciidamo isagu jira Mareykan iyo Soomali ayaa ku duulay guriga Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya, Aadan Cabdulle Cismaan [Aadan Cadde], oo ku yaalla degaanka Janaale, ee gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamada ayaa jebiyay guriga, waxaana ay kala soo baxeen saddex dhalinyaro ah, xubno katirsan qoyska Aadan Cadde Jimcihii lasoo dhaafay, sida ay sheegeen saraakiil ku...

Bankiga adduunka ayaa saadaaliyay in dhaqaalaha Soomaaliya uu sanadkan kordhi doono Saddex ilaa Afar boqolkiiba, wuxuuna daabacay qiimeyntiisii Saddexaad ee ay ku sameeyeen dhaqaalaha Soomaaliya, taasi oo muujineysa qodobada ugu waa weyn ee tilmaamaya inuu dhacay horumar dhaqaale iyo in kale. Warbixintan ayaa timid iyada oo sanadkii hore Soomaaliya ay ku habsatay abaar...

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa wasiiradiisa uga digay inay saxiixaan heshiisyo caalami ah, iyada oo aysan la socon xafiiska ra’iisul wasaaraha, garyaqaanka guud iyo golaha wasiirada Soomaaliya. Shirkii golaha wasiirada ee shalay ayaa lagu soo bandhigay dhibaatooyin dhaqaale oo ka dhashay heshiisyo ay galeen dawladihii hore,...

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa sheegay in dil uu ugu hanjabay Wasiirka Garsoorka ee Maamulka Koofur Galbeed. Xildhibaannadan oo la baxay kuwa isbeddel doonka ee degaannada Koofur Galbeed ayaa sheegay in ay wadaan mooshin ka dhan ah madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan. Xildhibaannada oo kulan ku yeeshay magaalada Baydhaba...

Waddooyinka Magaalada Muqdisho ayaa saaka lagu arkayaa Ciidamo Boolis ah oo baaraya Gaadiidka kala duwan ee adeegsanaya Waddooyinka Magaalada. Ciidamadan ayaa lagu arkayaa inta badan Isgooysyada muhiimka ah iyo sidoo kale jidadka qaar ee Magaalada,waxaana ay baaritaan gaar ah ku sameynayaan Gaadiidka kala duwan. Booliska lagu daadiyay Isgoysyada Muqdisho ayaa si gaar ah...

Magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya waxaa lagu soo gaba gabeeyay shir aan caadi aheyn oo ay yeesheen madaxda dowladaha ku bahoobay urur goboleedyada IGAD. Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahaahi Maxamed Farmaajo ayaa ka qeyb galay kulankaas oo looga hadlayay colaada Koonfurta Suudaan, oo ugu dambeyn dhinacyadii isku hayay ay...

Biro dhaadheer ayaa lagu jaray Jidcadayeyaasha ku yaalla qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho sidda ay Warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Darawaladda ku shaqeysta Mootooyinka ee Isticmaala  Wadooyinka Muqdisho. Qaar ka mid ah dadka aan u shaqeyn dowlada ee aan heysan Aqoonsiga dowladda ayaa mari jiray Wadooyinka ay hadda Biraha lagu jaray, Maadaama Wadooyinka...

Garoonkii diyaaradeed ee kali ahaa ee ka shaqaynayay caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli ayaa duulimaadyadii meel kale u weeciyay ka dib markii gantaallo lagu weeraray. Ma jiraan dhimasho ama burbur kale oo durba la soo sheegay in ay gantaalladaasi ka gaysteen garoonka diyaaradaha ee Mitiga International Airport ka dib weerarkii habeennimadii Talaadada. Garoonkan diyaardaha...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo u ambabaxaan dalka Itoobiya. Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay inuu Magalada Adis Ababa uga qeyb geli doono Shir ay yeelanayaan Madaxda Wadamada ku midoobey Urur Goboleedka IGAD. Shirkaas ayaa waxaa ka horeeyey shir gaar ah oo ay...