Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

by admin | Thursday, Mar 23, 2023 | 245 views

Axmed Canshuur Xasan Shiiqoow oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ka howl-gala galbeedka Jowhar.

Axmed Canshuur oo magaciisa afgarashada ee kooxda uu ahaa Jacfar ayaa waxa uu Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 8 sano ah, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta dowladda.

Ninkan ayaa waxa uu sheegay in kooxda Al-Shabaab uu jab xooggan kasoo gaaray dagaalka socda, “Markii ay maqlaan erayga Macaawisley deegaanka ay joogaan ayay usii go’aan meel u jirto dhowr iyo soddan kiloomitir.”

Jacfar ayaa ka qeyb-galay dagaalo badan oo ka dhacay Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Shabaab ay markii hore ku maran-habaabiyeen Diinta, oo uu sheegay inay ka dhiganayaan marmarsiyo ay kusoo gambanayaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Marka hore waxay ku sheegayaan in waxa ay wadaan ee u dagaalamayaan inay yihiin wax xaq ah oo Diin ah. Markii aad gudahooda tagto waxa ku arke waxyaabo kale oo badalan oo diinba aheyn oo meel kala imaadeen la kaseyn,” ayuu yiri ninkaan sanadaha badan ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu ka tirsanaan jiray Jabhaadka ee gobolka Hiiraan, oo uu sheegay in uu amiir ka yahay nin lagu magacaabo Cabaas, “waxay deganaan jireen buurta Hiya-sooman oo ciidanka ka kiciyeen.”

Anigoo fahansaneyn waxyaabaha dadka ku qaldayaan ayay igu duufsadeen oo waxay igu yiraahdeen Jihaad ayaa jiree kusoo biir, waxaa ka qeyb qaatay dhowr dagaal oo kala duwan, kuwa ugu waaweyn waxaa kamid ahaa gobolka Mudug, Bacaadweyne iyo Wisil.”

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Shabeellaha Dhexe oo ka hadlay goobta lagu soo bandhigayay Axmed Canshuur ayaa waxay ugu baaqeen in dhalinyarada weli ka barbar dagaalameysa kooxda ay isa-soo dhiibaan ayna kusoo dhaweynayaan gacmo furan.

“Axmed Canshuur Xasan Shiiqoow waxaa lagu wareejin doona hay’adda Nabad-sugida si loo soo marsiiyo dhaqan-celin.”

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo isku soo dhiibay, xilli uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda, kaasi oo deegaano horleh looga qabsaday.

Like it? Share it!

Leave A Response