Axmed Madoobe oo lagu dhegan yahay & Xadgudubyo Shacab oo lagu helay{AKHRISO:}

by admin | Wednesday, Mar 21, 2018 | 1089 views

Qaar ka mid ah Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Maamulka Jubbaland ayaa ku eedeeyay maamulkaasi dhibaatooyin ka dhan ah Shacabka ku nool deegaanada maamulkaas gaar ahaan Magaalada Kismaayo.
Aadan Barre Yarow oo ah Guddoomiyaha Jaaliyadda Jubbaland ee Maraykanka iyo Europe  ayaa ku eedeeyay Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaasi Luga dheere in uu howlo barakicin ah ka wado Magaalada Kismaayo islamarkaana Ciidamo ka amar qaata si sharci darro ah ay ku xir xireen tiro shacab ah oo degen Magaalada Kismaayo.
Dhinaca kale Aadan Barre Yarow oo sii wata hadalkiisa ayaa xusay in arrimahaan ay kala hadleen Madaxda sare ee maamulka Jubbaland gaar ahaan Madaxweynaha Maamulkaas ayna u sheegeen in maamulka oo markii hore aan laga qeyb galin dadka deegaanka oo ka warqaba xaaladaha shacabka iska daa in wax laga qabtee dhibaatadaas uu haatan maamulka ugu daray in Rasaas nool nool uu adeegsado shacabka ku nool Magaalada Kismaayo taas oo ah wax ka baxsan sharciga iyo beni’aadanimada.
Sidoo kale Mr Aadan Barre Yarow ayaa intaas ku daray in shacabka Kismaayo lagu dhibaateynayo shaar dowladeed gaar ahaan dhibaatooyin ula kac ah kala kulmaan Ciidamada Jubbaland oo siyaabo gurracan ay u adeegsanayaan Masuuliyiinta maamulkaas oo uu ugu horreeyo Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Luga dheere.
Hoggaanka Jubbaland oo ku fashilmay Kalsoonida Shacabka deegaanada Maamulka Jubbaland ayaa bilihii u dambeeyay waday falal ay ka mid yihiin Xarig iyo Musaafurin taas oo  u muuqata diktaatooriyad cusub ee uu qeybo ka mid ah dalka ka dhaqan galiyay Maamulka Jubbaland waxaana muddooyinkii dambe socday dadaallo siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada ka soo jeeda maamulka ay ku doonayaan in Isbedel lagu sameeyo maamulkaas islamarkaana talada gabi ahaan looga xayuubinayo Hoggaanka maamulkaas.

 

Like it? Share it!

Leave A Response