Axmed Madoobe oo u hambaleeyay madaxweynaha cusub ee ismaamulka S. Itoobiya

by admin | Thursday, Aug 23, 2018 | 992 views

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa u hambaleeyay madaxweynaha cusub ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee shalay la doortay.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu Khadka Taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha cusub ugana hambalyeeyay Madaxweyne Mustafa Maxamed Cumar.

Madaxweynaha sucub ayaa la doortay in uu xilka siihayo si kumeel gaar ah ilaa ay doorashada rasmiga ah ka dhaceyso sanadka 2020ka.

Waxaa uu beddelay Axmed Ilkacase oo isaguna si KMG ah xilkan u siihayay,kaddib markii uu 6dii Bishan is casilay Cabdi Maxamuud Cumar oo ahaa Madaxweynihii hore ee dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya.

Like it? Share it!

Leave A Response