Baaq deg deg ah oo laga soo saarey Colaada degmada Walanweyn

by admin | Monday, Apr 6, 2020 | 479 views

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa soo saaray baaq nabadeed oo ku aadan dagaalada ka socdo Magaalada Walaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Senator Naciimo Ibraahim Yuusuf oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedka Koofur Galbeed ugu baaqday in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa colaadaha kasoo cusboonaaday Degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo soo saaray baaq nabadeed ayaa sheegay in ay ceeb tahay in xiligaan ay dagaalamaan dad walaalo ah isla markaana daris ah waxa uuna labada dhinac ugu baaqay in ay deg deg u joojiyaan dagaalka.

Sidoo kale waxaa baaq nabadeed soo saaray qaar ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed iyagoo dalbaday in wax walbo lagu dhameeyo wada hadal iyo is afgarad.

Like it? Share it!

Leave A Response