Baarlamaanka Kenya oo diiday qorshihii Kenyatta ee xuduudda Soomaaliya

by admin | Thursday, Mar 14, 2019 | 903 views

Baarlamaanka dowladda Kenya ayaa diiday qorshe ay  u gudbisay xukuumadda Uhurru Kenyatta kaasi oo la xiriira darbiga laga dhisayo xuduuda Kenya iyo Soomaaliya.

Baarlamaanka ayaa diiday qorshahaasi, iyadoo xukuumada Kenya ay miiska saartay dhaqaalo gaaraya 3.5 Milyan oo lacagta Kenya ah, taasi oo loo qorsheeyay in dib loogu bilaabo dhismaha darbiga xuduuda labada dal.

Baarlamaanka ayaa sheegay inaysan taasi aqbaleynin, iyaga oo soo jeediyay in badalka lacagta darbigaasi lagu dhisayo lagu daro miisaaniyadda lagula dagaalamayo Al Shabaab, maadaama ay qatar weyn ku yihiin amaanka Kenya.

Xukuumadda Kenya ayaa qorshaha dhismaha darbiga kala qeybinaya xuduuda dalalka Kenya iyo Soomaaliya joojisay bishii March ee sanadii 2018, waxaana  muddooyinkii ugu dambeeyay socotay qorshaha dib u bilaabida dhismaha darbigaasi.

Guddoomiyaha gobolka Maandheera ee Kenya ayaa sheegay in dhismaha darbigaasi la joojiyay kadib markii ay kulmeen isaga iyo guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response