Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta go,aan ka gaari doona Miisaaniyadda dowladda

by admin | Thursday, Jun 30, 2022 | 349 views

Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta markii Saddexaad yeelanaya kulan wadajir ah, kaas oo  ku saabsan sii wadidda Akhrinta 3aad ee Miisaaniyadda Qaranka 2022.

Labadii maalmood Xildhibaanada labada Aqal oo kulan yeeshay ayaa waxaa hortegay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ay su’aalo adag weeydiiyeen, iyaga oo siweyn uga dooday miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022.

Xildhibaannada labada Aqal ayaa Wasiirka Maaliyadda ku eedeeyay in Afartii sano ee uu xilka haayay Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wasaaraddiisa sameyn xisaabxir, isla markaana ay maqan tahay lacag dhan 193 Milyan oo Dollar.

Guddoomiyaha Golaha  mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay  in maanta ka d go’aan laga soo  gaari doono miisaaniyadda dalka.

Like it? Share it!

Leave A Response