Baarlamanka labaad ee HirShabeelle oo lagu dhawaaqayo iyo xiisad xoogan oo taagan

by admin | Tuesday, Oct 27, 2020 | 359 views

 Wararka aanu ka helayno magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle ayaa sheegaya in saacadaha soo socda lagu dhawaaqayo baarlamaanka labaad ee maamulkaasi, sida ay ilo xogogaal ah u sheegen Caasimada Online.

Odayaasha dhaqanka iyo duubabka kala duwan ee ku sugan magaalada Jowhar ayaa lagu soo waramayaa inay gudbiyeen magacyada inta u badan xubnaha kamid noqonaya baarlamaanka labaad ee maamulkaasi, kuwaasi oo laga reebay xildhibaano badan oo horey uga mid ahaa.

Soo xulista baarlamaanka HirShabeelle ayaa u muuqata mid gebi ahaanba soo gaba-gaboweysa, iyada oo ku dhawaad 66-xildhibaan loo gudbiyay guddiga farsamada ee maamulkaasi.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xildhibaano hore uga mid ahaa golahaasi oo waayay xubinadooda ay xulafeysi cusub ka bilaabeen magaalada Jowhar ee ay ka socotay xulista xubnahaasi.

Waxaa lagu soo waramayaa in xubnaha kuraastooda waayey ee ugu caansan ay ka mid yihiin qaar ka mid ah xubnaha guddoonkii hore ee baarlamaanka, wallow ilaa hadda si rasmi ah loogu dhawaaqin.

Soo xulista baarlamaanka labaad ee  maamulkaasi oo uu dul hooganayo muran badan ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo, iyada oo ay weli socdaan wada-hadalo lagu daminayo xiisad xoogan oo ka dhalatay reebista xubnahaasi iyo soo xulista kuwa dhiman.

Beesha Xaawaadle oo ka mid ah beelaha ugu weyn uguna saameynta badan HirShabeelle ayaa horey u diiday habka loo wado dhismaha maamulka cusub, iyo in kursiga madaxweynaha uu noqdo mid u furan dhammaan beelaha kale inay u tartamaan.

Si kastaba, warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho lagu diyaariyay xildhibaanada Baarlamanka HirShabeelle ee ka soo gali doono Beesha Xawaadle kadib markii ay beeshaasi diiday soo xulista xubnaha dhankooda ka iman doona.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo Cabdifitaax Xasan Afrax, oo labadooda ka soo jeeda beeshaas, sidoo kalane soo noqday guddoomiyaasha gobalka Hiiraan ay qaateen doorka ugu weyn ee soo xulista Xildhibaanada beesha Xawaadle ee HirShabeelle.

Like it? Share it!

Leave A Response