Bajaajta oo saddex maalmood laga mamnuucay Baydhaba

by admin | Tuesday, Aug 7, 2018 | 841 views

War ka soo baxay Booliska Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu mamnuucay in Mootadada Bajaajta loo yaqaanno ay ka shaqeyso Magaaladaas saddexda maalmood ee soo socota.

Arrintan waxaa soo saaray Taliyaha Booliska Maamulka Koofur GalbeedMukhtaar Maxamed Ibraahim Guduudoow,kaas oo dhallinyarada Bajaajlayaasha amar ku siiyay in ay amarkaas u hoggaansamaan.

Taliye Guduudow ayaa sheegay in sirdoonka Maamulka Koofur Galbeed uu helay in AL-shabaab ay weerarro ka geysanayaan Baydhaba saddexda maalmood ee soo socota,kaas oo loo adeegsanayo Mooto Bajaaj sida uu yiri.

Waxaa uu Dhallinyada ku shaqeysta Bajaajta uga digay in ay amarkaas ka hor yimaadaan waxaa uu intaas raaciyay in qofkii aan u hoggaansamin uu ciqaab adag la kulmayo.

Taliye Guduudoow ayaa sheegay in ay baaritaan sameynayaan muddadaas islamarkaana Bajaajta laga mamnuucay Baydhaba oo dhan muddo kooban.

Like it? Share it!

Leave A Response