Bakarac ka bilaawday degmada Cadale ee gobolka shabeelaha dhexe iyo Xiisada dagaal oo ka taagan.

by admin | Wednesday, Jul 18, 2018 | 1477 views

Tuulooyin ka tirsan Degmada Cadale ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ka bilowday Barakacay ay sameeynayan dadka deegaanka,

Barakacan ka bilowday Cadale ayaa waxa uu yimid kadib markii halkaasi ay ku dagaalameen Beello wada dega Degmada Cadale,islamarnaa dhowr jeer oo hore la isku dayay in waan waan la dhexdhigo.

 

Qaar kamid ah dadka deegaanka Degmada Cadale ayaa u sheegay warbaahinta in dagaal Beeleedkii ka dhacay halkaasi uu saameyn ku yeeshay dadka ku nool Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana hada xaalada ay tahay mid degan.

Dhanka kale warark aan helnay ayaa waxa ay sheegayan in tuulooyinka hoos yimaada Cadalle ay ku dagaalameen Al Shabaab iyo dadka shacabka,markii dambane Al shabaab ay qabsadeen goobihii lagu dagaalamay, iyagoona halkaasi ka qaatay xoolo.

 

Like it? Share it!

Leave A Response