Baladweyne Oo Laga Xusay Maalinta Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya

by admin | Friday, Apr 12, 2019 | 765 views

Magaalada Baladweyne ayaa waxaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu xusayay sannad-guuradii 59-aad ee aasaaska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, taasoo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen; Maamulka Gobolka Wasiiro Hirshabeelle Saraakiisha Ciidamada Dowlada iyo Kuw AMISOM

Masuuliyen ka Tirsan Maamulka Hirshabeelle iyo Odoyasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa ugu horreyn hambalyo u diray saraakiisha iyo Ciidamada Xoogga Dalka oo dhan, isagoo ku boorriyay inay xoojiyaan shaqooyinka ay dadka iyo dalka Somalia ay u hayaan.

Korneel Maxamuud xasan ibraahin Baakay oo Ah Taliyaha Guutada 22aad qeeybteeda 27aad  Ciidamada Xooga Dalka ayaa hambalyadiisa kaddib, wuxuu ka warbixiyay marxaladihii ciidanka xoogga Somalia ay soo mareen, isagoo hoosta ka xariiqay inay halkeeda ka sii wadaan dib u dhiska ciidanka xoogga dalka,

Sannad walba ayaa Somalia oo dhan lagu qabtaan xuska 12-ka Abriil oo ah markii la aasaasay ciidamada xoogga dalka, waxaana markii ugu horreysay ciidamada xoogga dalka Somalia la aasaasay 12-kii bishii Abriil ee Sannadkii 1960-kii, markaasoo ahayd markii ay Soomaaliya ka Xorowday gumeystayaashii xukumayay.

Like it? Share it!

Leave A Response