Banaanbax Maanta ka dhacaya Muqdisho iyo Wadooyinka oo xiran.

by admin | Sunday, Jul 1, 2018 | 939 views

Waxaa  xiran wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, kadib markii wadooyinka lagu soo daadiyay Ciidamo badan oo wata Gaadiidka Dagaalka, kuwaasi oo ammaanka sugaya.

Sababta loo xiray wadooyinka Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay Banaanbax lagu xusaayo 1-da Luulyo in uu maanta ka dhacayo Magaalada Muqdisho gaar ahaan Garoonka Kubadda Cagta ee Koonis.

Wadooyinka waa weyn ee Muqdisho ayaa keliya saaka waxaa isticmaalaya Gaadiidka ay wataan Masuuliyiinta Dowladda iyo Gaadiidka Dagaalka ee Ciidamada Dowladda ay wataan.

Ciidamada Ammaanka ayaa xalay xiran wadooyinka , waxaana inta badan Isgoysyadda Muqdisho lagu diyaariyay Basas waa weyn oo loogu tala galay in ay qaadaan dadka ku jira xaaladdaha degdega ah.

Maamulada qaar ka tirsan Iskuulada iyo Jaamacadaha ku yaalla Muqdisho ayaa shalay ku sii wargeliyay Ardayda in Axadda ay fasax yihiin goobaha Waxbrashada, waxaana maanta xiran qaar ka tirsan goobaha waxbrashada.

Like it? Share it!

Leave A Response