Bandhigga kulmiyay Xukuumadda & Mucaaradka Somaliland ee buuqa dhaliyay!

by admin | Monday, Jun 27, 2022 | 404 views

Magaalada Hargeysa oo lagu soo bandhigay Buug laga qoray Madaxweynihii ugu horreeyay Somaliland Cabdiraxmaan Cali Tuur waxaa kulanka inta uu socday ka dhacay buuq iyo hadallo adag oo ay is dhaafsadeen Xukuumadda iyo Mucaaradka.

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ku eedeeyay in uu kiciyay Dadka si ay ugu oriyaan (Qayliyaan) wasiirada ka qaybgalay Bandhigga.

Kaahin waxa uu sheegay in sidoo kale weerar afka ah ku qaaday Hoggaamiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo uu ku eedeeyay in uu kamid yahay xubnaha aan dooneyn in si xasiloon kusoo bandhigtaan cabashadooda.

“Cabdiraxmaan waxa aan oronayaa haddii aan is qabanay oo fikir iyo aragti ku kala qaybsanay ma ahayn in ay dhalinyaro kiciyaan oo qaylo & huuhaa in ay sameeyaan, Cabdiraxmaanow, Adiga, Faysal, Xirsi & labadiina Xisbi kama hadleyno sida aad Xafladda qaylada ugu dhammeyseen, Nabadda, Siyaasadda & degenaashiyaha diyaar uma tihiin, mas’uuliyiin arrin qaran doonaya in aydaan ahayn” ayuu yiri Kaahin.

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa markale ku celiyay in ka mucaarad ahaan aysan marnaba ka aqbali doonin Xukuumadda qorshaha ay ku dabreyso Doorashada November 2022.

Waraabe ayaa tilmaamay in Madaxweyne Muuse Biixi uu ka shaqeynayo iska daba-wareejin iyo waqti lumin balse ka mucaarad ahaan marnaba aysan ka yeelli doonin mustaqbalka Dhalinyarada waalidkood waxbarashada ka dhiiba.

“Maanta waxaa loo baahan yahay, kubadda xaggeenu ma taallo, Jin qofkii keena ayaa saara, Waxa aynu isku heysanaa carruurtaas mustaqbalkooda oo aan waxbarasho & dhul toona la siin balse lacagtooda la uruursanayo” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Musharra Xilka Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa madasha ka sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay uga dambeysay May 2022.

Waxa uu tilmaamay in madasha doodda isku baddeshay aanay ahayn mid abaabulkeeda ay leedahay Xukuumadda ama Xisbiyada Mucaaradka balse lagu casuumay, waxa uu dhaliilay wasiirada qaar oo goobta isaga tagay kaddib markii lagu buuqay.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa arrintaas ku tilmaamay in aysan ahayn dulqaadka laga rabo mas’uulka maadaama sababta keentay in lagu buuqo ay tahay mas’uuliyaddii laga rabay oo ay ka gaabiyeen halkii ay adkeysan lahaayeen madasha isaga tageen.

“Wasiirada halkaan ka kacay dadka ay ka cabanayaan waa dadkii ay xukumayeen, madashaan ma aha mid Xisbi soo abaabulay ama Xukuumad, Dulqaad la’aanta mas’uuliyiinta Xukuumadda waxa ay ka dhasheen foolxumada ay sameysay Xukuumaddu ay ka socdaan, waxaa halkaas ka cad in aysan diyaar u ahayn wadahadal iyo doorasho waqtigeeda lagu qabto” Cabdiraxmaan Cirro.

Xisbiyada Mucaaradka ee Waddani iyo UCID ayaa Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay in aysan diyaar u ahayn in marnaba ay qabato Doorashada ku waqtiyeysan 13ka November 2022, waxaase socda waan-waan xal loogu raadinayo xal u helista khilaafka siyaasadeed ee Somaliland ka taagan.

Like it? Share it!

Leave A Response