Bandow lagu soo rogay qeybo ka mid ah dalka Ciraaq

by admin | Sunday, Jul 15, 2018 | 995 views

Dowladda Ciraaq ayaa ku dhawaaqday in ay bandow  ku soo rogtay magaalada Basra ee dalkaasi halkaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen Banaanbaxyo ka dhan ah dowladda.

Bandowgaan waxaa uu socon doona lix maalmood sidda ay sheegtay dowladda.

Xaydar Al-Cabbaadi, Ra’isal wasaaraha Ciraaq ayaa shaaciyey in xukuumaddu sii dayn doonto miisaaniyadda loogu talo galay in wax lagaga qabto biyaha, layrka tiriigga iyo adeegyada caafimaadka ee Basra.

Banaanbaxyaddaan waxa kiciyey caro ka dhalatay shaqo la’aan ka taagan gobolka oo haysata dhalin yarada badankoodka.

Mar sii horraysay ayaa maamulku waxa ay xayireen adeegsiga baraha bulshada ee internet-ka, waxaana heegan sare la geliyey xoogagga nabad gelyada.

Dhawr qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen shaqaaqooyin ku dhex maray Basra iyo magaalooyin kale dadkii dibad baxayey iyo ciidamada nabad gelyada.

Like it? Share it!

Leave A Response