Barakac ka bilowday degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose

by admin | Thursday, Aug 15, 2019 | 641 views

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa bilaabay in ay iskaga barakacaan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose kadib markii shalay Alshabaab weerar qaraxyo ku bilowday ay ku qaadeen deegaankaas.

Dadka deegaanka oo diiday in magacooda iyo codkodaba loo adeegsado Warbaahinta ayaa dalsan u xaqiijiyay in ay iskaga soo carareen magaalada Awdheegle iyaga oo ka baqanaya in mar kale uu dagaal ku qabsado halkaas.

Inta badan dadka ku noolaa degmada ee ka soo barakacay Awdheegle ayaa soo gaaray degmada Afgooye iyo deegaano kale oo hoos taga welina qaarkood ayaa ku jira jidadka oo halkii ay rabeen aan soo gaarin.

Tan iyo markii shalay weerarku ka dhacay Awdheegle waxaa la soo sheegayaa in uusan jirin wax ganacsi ah oo shaqeynaya gebi ahana waxaa xiran goobihii ganacsiga ee dadku ay badeecooyinka kala duwan ka heli jireen.

Like it? Share it!

Leave A Response