Bartii Facebook ee Madaxweynihii hore ee Afganistan oo la jabsaday

by admin | Monday, Sep 27, 2021 | 240 views

Qoraal uu Madaxweyne Ashraf Qaani soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu ku shaaciyey in maanta laga jabsaday Bartiisa Facebook, laguna qoray Erayo lagu taageerayo Hoggaanka Ururka Daalibaan.

Ashraf Qaani oo haatan ku sugan magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta waxa uu sheegay inuusan gacanta ku haynin Facebook uu lahaa.

Daqiiqado ka hor waxaa Bartiisa lagu soo qoray qoraal ku baaqay Aqoonsiga Maamulka Daalibaan, in la taageero iyo inaan la xayirin Hantida Reer Afganistan.

Ashraf Qaani oo bartamihii bishii hore ee August ka soo cararay magaalladda Kabul waxay Jabsashada Bartiisa Facebook ku soo beegantay, xilli ay Ururka Daalibaan guluf ugu jiraan Aqoonsi Diplomaasiyadeed oo Caalami ah.

Like it? Share it!

Leave A Response