Biriq dad ku waxyeeleysay Mudug

by admin | Friday, Oct 16, 2020 | 624 views

Wararka inaga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan saacadihii la soo dhaafay Roobab mahiigaan ah oo wata Biriq ka Da’ay degaano hoostaga degmada Hobyo ay waxyeeleeyeen  dad iyo xoolo.

Inta la ogyahay laba ruux ayaa waxyeelo ay ka soo gaartay Biriq Roobaad oo ku soo dhacday degaan u dhow Magaalada Hobyo, waxaana labada qof oo ahaa carruur midna dhintay midka kalena uu dhaawac kasoo gaaray.

Qaar ka mid ah dadka ku sugan Hobyo ayaa Risaala u xaqiijiyay in gabar 10 sano jir ah biriqdaasi ku geeriyooday.

Labadda Carruurta ayaa ah kuwo walaalo ah.

Saacadihii lasoo dhaafay roobab ayaa ka da’ayay degaano ka tirsan gobolka Mudug.

Like it? Share it!

Leave A Response