BOOLIS KA TIRSAN AMISOM OO KA BAXAYA DALKA

by admin | Sunday, Sep 30, 2018 | 946 views

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in Saraakiil ka tirsan Booliska AMISOM oo dhameystay muddada shaqadooda ay ka baxaan dalka dhawaan.

Saraakiisha Booliska ah oo ay tiradoodu gaareyso 30 Sarkaal ayaa u kala dhashay Waddamada Kenya,Uganda,Zambia iyo Sierra leone.

Ku simaha Taliyaha Booliska ee AMISOM, Christine Alalo, ayaa sheegtay in Saraakiishaasi ay dalka ka baxayaan dhamaadka Sanadkan.

Waxaaa ay sheegtay in Saraakiishaas ay qabteen howshii ay u yimaadeen Soomaaliya oo ahayd dhismaha iyo tababarka Booliska Soomaaliya,qeyb ahaanna intii ka quseysay ay ka guteen.

Waxaa ay uga mahad celisay dadaalka iyo xorfadyahannimada ay muujiyeen iyada oo sheegtay in ay abaal u heyso Afrika oo dhan.

Saraakiisha baxaya ayaa Booliska Soomaaliya ka caawinayay shaqooyinka maalinlaha ah,tababarka, latalinta, kala qeybgalka howlgallada iyo wixii la mid ah.

Christine Alalo,ayaa saraakiisha ka baxaya dalka ugu baaqday in xirfadaha ay laftooda ka heleen Soomaaliya uga faa’ideeyaan dalalka ay ka soo jeedaan ee ay ku laabanayaan.

Like it? Share it!

Leave A Response