Haweeney lagu toogtay Muqdisho

by admin | Thursday, May 17, 2018 | 958 views

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Hawlwadaag, Askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa qof dumar ah wuxuu ku dilay degmadaasi, gaar ahaan xaafadda Ceel-hindi.

Dhacdada dilka ayaa timid kadib markii xalay Magaalada Muqdisho laga maqlay dhawaqa wax u eg hoobiyeyaal inkastoo markii dambe dowladda ay sheegtay inay ahaayeen baco qaraxyo dheemish ah lagu soo shubay.

Dadka reer Muqdisho oo qal qalsanaa islamarkaana kala ordayay ayaa haweenaydan iyo dad la socday oo ordaya waxa ay ka dul dhaceen guri askari illaalo ah uu hor fadhiyay oo ku yaalla dhabarka dambe ee Hotel Wehliye, gaar ahaan xaafadda Ceel hindi kadibna askarigii ayaa dadkaan rasaas ku furay.

Haweenay ka mid aheyd dadkii ordayay ayaa halkaasi ku geeriyootay, waxaa kale oo dhaawac noqday nin ka mid ahaa dadkii ordayay oo caloosha ay kaga dhacday xabada.

Maydka haweenayda ayaa meesha laga qaaday, sidoo kale waxaa halkaasi dhaawac ahaan looga qaaday ninkii xabada caloosha ay kaga dhacday, iyada oo uu baxsaday gacan ku dhiiglihii falkan geystay.

Ciidamada dowladda ayaa xalay meelaha qaar dadka rasaas ku sii qal qalgelinayay, xilli dadka ay ka naxsanaayeen dhawaqa wax u eeg madaafiicda ee Magaalada laga maqlaayay.

Like it? Share it!

Leave A Response